Tiradda Ciidanka Iyo Gaadiidka Laga Qabtay Puntland Iyo Liyuu Booliska Dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaaluda Itoobiya Cagjar Iyo Sababtii Keentay Caawa in ay Ka Baxaan Laascaanood Garaadadii Dhulbahante &Yaa Gacanta Ku Haya Immika Magaaladdii Laascaanood Ma Ciidanka Somaliland, Mise Khaatuma,SSC Iyo Garaadkii Guud?

0
246

Laascaanood,(Baraarugnews.net)-Dagaal la isku adeegsaday hubka waa weyn ee la saaro gaadiidka dagaalka ee kala duwan iyo rasaasta qoryaha fudud ka dhaca, ayaa la isu-adeegsaday dagaalkii maanta ka dhacay magaalo madaxda Gobolka Sool.Isla markaana dagaalkaas oo bilowday shanti subaxnimo ee saaka ka dhacay magaaladda Laascaanood.
Ciiadanka qaranka Somaliland ee fadhigiisu yahay Magaalada laascaanood waxa hirtii waaberi dagaal ku soo qaaday ciidamo midabo noocyo-badan leh isugu jiray, maleeshiyaad Ciidan beelyo ah, ciidanka maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland,ciidan ka tirsan Dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu booliska kilalka ismaamulka Jigjiga ee soomaalida, ciidanka sida gaarka ah dawladda maraykanku u tababartay ee PSI EE FADHIGEEDU YAHAY Boosaaso, ee Puntland Ciidanka PSI oo uu haysto ama mulkiilaha sheegta innuu danbaabo ciidanka PSI Asad Cusmaan Cabdulahi Diyaano, waa Ilmo diyaane ayaa iyaguna qayb ka ahaa dagaalka Laascaanood. Garaadada Beeshe Dhulbahante ayaa iyaguna ciidamo beeleedyo u gaar ah watey, kooxo kale oo ciidano iyaguna sheegtay innay yihiin ciidanka maamulka Khaatumo iyo maamul SSC ah, halka ciidamo beeleed laga soo ururiyey beesha Cumar Maxmuud ee Kaalkacayo Mudug ah ayaa iyaguna gurmad ku yimi, beesha Mareexaan iyo waliba Ugaadeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaas midabada kala duwan huwanaa ay maalmihii u dambeeyay si xawli ah ugu soo qulqulaayey magaalada Laascaanood ay weerar ku qaadeen fadhiisino ay leeyihiin Ciidanka Militariga Somaliland ee magaalada laascaanood,Isla markaana waxa la sheegay ciidanka somaliland oo la socday dhaq-dhaqaaqooda fooda is dareen saaka shantii subaxnimo,Balse dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka waa weyn ee la saaro gaadiidka kala duwan iyo rasaasta qoryaha fudud ka dhaca, ka dib ciidamada somaliland ayaa jabiyey maleeshiyaadkii ciidan beeleedkii, ciidan ku qalabaysnaa agabka ciidanka ismaamulka soomaalida IToobiya ee Liyuubooliska ciidankii Mustafe cagjar ayaa dagaalka lagu qabtay.inkastoo khasaaraha ka dhashay awgii in aanu soo gudbino ka cabsanay innuu sii huriyo dagaal hor-leh awgeed ayaanu u soo gudbin jabkii maanta loo gastay kooxaha soo weearay. Dhaawiicii kooxaha kala duwan waxa intooda badan la geeyay cisbitaalka Buuhoodle, halka ciidankii Cumar Maxmuud ee Kaalkacayo markii ay marayeen Tukaraq ciidanka somaliland ayaa rasaas ku riday way yaceen markiiba, kuwaasoo dhaawac iyo maydad badana la gaayey Garooye.
Dawladda Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cag-jar, ciidanka maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland, askarta Asad diyaano ee PSI, khaatumo SSC, kuwaas oo ciidanka qaranka Somaliland ka soo weeraray jahooyin kala duwan. Galankii hore ee maalin-nimaddiiba ciidanka Somaliland ayaa jabiyey,isagoo markii dambena ku fufay dagaalku xaafadaha kala duwan ee degmadda laascaanood,ciidamada Somaliland, ayaa galinkii hore ee maalin-nimaddii inta badan gacanta ku dhigay gudaha magaalada Laascaanood.Dasgaalkaas oo shanti subaxnimo bilaamay ayaa mar qudha fooda la iska qaadin, gurmad xoogan ciidamo beeleedyo SSC, khaatumo ah ayaa iska soo daba-dhacayay saacad kasta,laakiin dawladda Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda guutooyin cusub ku xoojisay dagaalka. Ciidamada Somaliland ayaa galinkii dambe inta badan ka saaray kooxaha ugu yeedhay dawladda Somaliland argigaxiso soo weerartay laascaanood.Isla markaana xilli saacadu ku laalayso afartii iyo badhkii galabnimo ayaa dhamaan ciidamaddii huwanta ahaa laga saaray guud ahaan gudaha magaaladda Laascaanood, kuwaas oo ciidamada Somaliland ku jabiyeen dagaalka ay ku soo qaadeen ciidamada huwanta midabada astaamaha kala duwan ku dagaalamayey ayaa u carraray ugana baxay magaalada Laascaanood dhanka bariga ee jahada Maamul-goboleedka soomaaliya Puntland.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka qaranka Somaliland, oo ka cudur-daartay in magacooda sheegno,sababa la xidhiidha innuu saamayn ku yeesho warkan, ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Radio Baraarugnews Media iyo shabakada Baraarugnews,net in Saddex gaadhi oo gaadiidka qoryaha la saaro ee dagaalka ka qabsadeen ciidanka PSI ee Asad Diyaano oo ka soo baxay magaaladda Boosaaso ee Puntland,halka ciidanka Somaliland saddex iyo toban askarin ay ka qabteen ciidankii PSI (PSI 13 Askari laga qabtay), Asad Diyaano ee Puntland. Ciidan Puntland ah oo ka yimi iyaguna xarunta maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland ee magaaladda Garoowe, ayaa iyagana laga qabtay shan gaadhi oo gaadiidka hubka saaran yahay.Halka ciidan maleeshiyaadkii SSC, Khaatumo iyo Garaadada dhulbahante laga qabtay lix iyo labaatan maxbuus. Laakiin Odayaasha beesha Dhulbahante ee Gobolka Sool ayay ku wareejiyeen ciidanka qaranka Somaliland isla markiiba.
Ciidanka qaranka Somaliland, ayaa dagaalkii Maanta ee magaalada Laascaanood ku qabtay laba boqol iyo koton Maxmuus (Tiradda dagaalka ay ku qabqabatey Somaliland 250 maxmuus), kooxihii soo weeraray oo ahaa ciidamo ku kala-dagaalamayey astaamo iyo magacyo kala duwan oo qayb ka ahaa ciidamaddii saaka shanti subaxnimo ku soo qaaday weerarka fadhiyaddii ciidanka qaranka Somaliland ee Degmadda Laascaanood.

Guud ahaan-ba waxa la sheegay in dagaalkaas oo galabku isugu dhacay meel xoogaa u jirta oo xagga waddada Puntland uga baxeen kooxihii huwanta ahaa, Magaaladii laascaanood ay guud ahaan gacanta ku hayaan ciidanka Somaliland iyo kaantaroolada soo gala.
Dhanka Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka ag-dhaw Garraadada beesha Dhulbahante ee shirku uga socdal magaalada laascaanood, qaybna ka ahaa hogaaminta dagaalka ka dhacay Laascaanood ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada gudaheeda.Iyadoo xogahaa ay tibaaxeen in shirka jaraa,id caawa qabteen kula hadleen meel kale oo tuulooyooyinka Gobolka Sool, laakiin aaney aheyn Laascaanood.
Sidoo kale,xogahaa ayaa xusay in warbaahin, ama wariyeyaal kooxo ah,walina u badan qurba-jooga Yurub ay muuqaalada ka soo duubayaan, si gaar ahna warka ugu soo dhiibayaan.Isla markaana waxa la tilmaamay inay samaysteen dhalinyaro badan oo is bays weyn, looguna tala galay inay boro-bogaadho iyo warar xaqiiq aheyn am aka fog u gudbiyaan bulshada Somaliland gaar ahaa kuwa Sool Sanaa ee beesha dhulbahante,gaar ahaan daarood, si dadka diidan mabda si cad u fahansanayn ama ujeeddada qarsoon ee xilligan keentay kicinta bulshada Laascaanood majaraha u qabtaan,laguna kiciyo, taasoo xogahaa carabka ku dhufteen in qorshaha iyo u-jeeddada garaadka guud iyo qaar ka mid ah garaadada dhulbahanta oo si gaar ah isugu dhaw-yihin garaadka guud u suurta gashay inay hadafkoodii ku shubeen dhalinyarradii iyo haweenkii magaalada Laascaanood,una suurta galisay baro-bogaadhada baraha bulshadu ku wada xidhiidho ama ku kulmaan ee Facebuug,tiwiitar,Inistigiraamka iyo was-ab iyo wixii la mid ah-ba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here