Taliyaha NISA Mahad Salaad oo Xubno xilal iyo xafiisyo Ha,yadda NISA ka Caydhiyey Sirdoonka soomaaliya

0
326

Muqdisho,(Baraarugnews.net)– Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa dib u habeyn xoog leh ku wada Hay’adda NISA, kadib markii uu xilkaasi la wareegay 29 May 2022.
Xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu Mahad Salaad isbedello waaweyn ku bilaabay Hay’adda si uu meesha uga saaro habkii ay u shaqeyneysay 5-tii Sano ee dowladii Farmaajo, xilligaas oo uu awoodda ugu sareysa lahaa Fahad Yaasiin Xaaji.
Agaasimaha cusub ayaa wajahay dagaal hoose oo uu la galay agaasimihii hore oo wareysi uu bixiyey ugu baaqay saraakiisha NISA inaysan wax sir ah ama xog ah la wadaagin Mahad Salaad, isagoo ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Alshabaab.Taliyaha nisa mahad salaad ayaa guud ahaanba masaxay laamaha kala duwan ee Nisa iyo xubno xilal kala duwan ka haya NISA kuwaasoo uu magacaavay taliyihii hore ee fahad yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here