a. adduunyadu meel ayey ka indho la dahay.Abiy Waxa jeebka ku ritay Afwerki

0
247

Itoobiya,(baraarugnews.net)-Taliyaha guud ee hogaamiyaha ciidanka Dawladda Tigrayga General Tsadkan Gebre Tensa dagaalka kula jira dawladda faderaalka Itoobiya oo garabsanaysa ciidanka Iriteriya.isla markaana wuxuu ka hadlay intay gaadhayaan tiro ahaan ciidamadda dawladda faderaalka Itoobiya ee dagaalka kula jirta Digrayga.”Tiradda ciidanka na soo weeraray ee Itoobiya iyo dawladda Iriteriya waa waali.waxa nala dagaalamaaya hal milyan oo ciidan ah,waxaana na soo weeraray ciidan waali ah oo ka badan hal milyan.Raysal,wasaaraha Itoobiya waxa u taliya madaxweynaha Eriteriya Afwerkioo Abi Axmed jeebkiisa ayuu ku jiraa oo jeebkiisa ayuu ku ritey.haddii Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed lala heshiiyo waxa aan ogolayn heshiis innuu dhaco oo mar walba diidan Afwerki-ga Iriteriya. saddex jeer ayaanu kulanay madaxda dawladda Itoobiya.saddexda jeerba iyaga ayaa diiday nabadgelyada oo Abiy haddii lala heshiin lahaa waxa mar walba ku diidaaya nabadgelyada Iriteriya Afwerki.waxay Abiy Axmed iyo Afwerki iska dhaadhiciyeen awood iyo ciidankii ayaa maanta gacantiina ku jira waad qabsan kartaan shacabka Tigrayga.Shacabka Tigrayga waligood lagama adkaan,waana la garanayaa taariikhda Digrayga. adduunyadu meel ayey ka indho la dahay.dagaalku bilaamo waxa ka qayb-galaaya ciidankiì Itoobiya iyo ciidankii Iriteriya oo dhinac ah iyo,Tigray oo dhinac ah.marka la isa soo horfadhiisto waxa la wada hadalsiinayaa Dawladda Itoobiya ee Abiy iyo Tigray oo kaliya. waxa laga tegayaa Dawladda Iriteriya oo dagaalkii qayb ka ah ayaa mar walba laga tegayaa.waxa markasta diidaaya Iriterita,taas ayaa sabab u ah in la heshiin waayo.madaama dagaalka ay qayb ka tahey,nabadgelyadana waa inay qayb ka ahaataa.haddii kale nabadgelyo ma imanayso.caqligooda ayaa xun,haddii ay u dhacdo siday doonayaan Abiy Axmed iyo Afwoker Iriteriya oo naga guulaystaan,xitaa nabadgelyo ma imanayso.waxaaney u imanayn nabedgelyo waxay deegaanka galbeedka ee dadkii tigrayga ahaa ee ku noolaa lagu sameeyay dabargoyn cidhib tir.wax ka baxsadey mooyee wixii kale way cidhibtireen Tigrayga.Dadka Tigrayga Maqala-na sidaas ayaa loo cidhibtiriyaa.waxa loo socdaa waa dadka Tigrayga. anagu waxaanu u dagaalamaynaa nolosha shacabka Tigrayga,iyo noloshayada.tanoo kalena hore ayey noo soo martey,xasuustan aniga ayaa hogaaminayey xilligii aanu jabhada Tigrayga aheyn ee Dhergigii migiste la dagaalamaney aniga ayaa hogaaminayey ciidanka Iriteriya waxay yihiin.ciidanka Abiy Axmed-na aniga ayaa shalay hogaaminayey ciidanka Itoobiya oo waan garanayaa waxay yihiin.hubka iyo rasaasta, walina si deeqsinimo ah ayey noogu deeqaan cadowgayagu.qaybta kale ee aanu hubka iyo rasaasta aanu ka helno ma sheegayo.imikana waan qiyaasi karaa wuxuu ku dhamaan doono dagaalku,waxaana guulaysanaaya Tigrayga.”waraysi siiyey maxadka Heritage institute

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here