“Somaliland sharaf weyn ayey u tahay in dekedda Berbera ay noqotay ta ugu sareysa dekedaha wadammada Afrika…”,

0
173

Hargeysa,(BaraarugTV.com)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Hassan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa soo dhaweeyay warbixintii dhawaan Baanka Adduunku soo saaray ee uu ku sheegay in marsada Berbera tahay ta ugu sareysa dekedaha dalalka Saxaraha ka hooseeya.

Wasiir Cali Xasan oo farriin uu ku baahiyay Twitterkiisa ay soo xigatay xafiiska wararka Wakaaladda wararka ee Baraarugtv.com ee magaalada Hargeysa,ayaa xusay inay muwaadiinta reer Somaliland sharaf weyn u tahay in dekedda Berbera ay noqotay ta ugu sareysa dekedaha wadammada saxaraha ka hooseeya ee Afrika, siday shaacisay warbixintii baanka adduunku.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in arrinta dekeddu aanay ahayn oo qudha inay kor u qaadayso dhaqaalaha Somaliland, hase ahaatee ay kor u qaadayso sumcada dalka, isla markaana dhiirigelinayso maalgashiga caalamiga ah.”shacabka reer Somaliland sharaf weyn ayey u tahay in dekedda Berbera ay noqotay ta ugu sareysa dekedaha wadammada saxaraha ka hooseeya ee Afrika.qiimaynta uu sameeyay baanka adduunku uu ku sheegay warbixinta dekeddaha dalalka saxaraha ka hooseeya waxay dhiirigelinaysaa maalgashiga caalamiga ah.waxay kor u qaadeysaa sumacada dalka somaliland”

Waxa kaloo Wasiirku arrintaas ku bogaadinayay dalka iyo muwaadiniinta Somaliland-ba.