Somaliland:-Baroor-diiq

0
501
Somaliland:-Baroor-diiq

Hargeysa,(baraarugnews.net)-Muddo kooban ayaan ka fikiraayey hal aan tabayey in aan ka sameeyo qoraalkaygan xanbaarsan baroor-diiqda boqollaalkii naftood ee ku naf waayey suuqa ganacsiga waaheen iyo tiiraanyada boqollaalkii wadhatada dan-yartii tabaalaysneyd ee hantidooda ku waayey aafadii ka dhalatay dabkii ka huray suuqa ganacsiga waaheen ee ku yaalay Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Dadka qaar ayaa aad ula yaabay markii ay ka dhegeysteen war-baahiyayaasha dhacdadii ka dhacday Dalka Ingiriiska in laga furay hudheel cunto oo loogu tallo-galay Dab-joogta Bisaddaha ah, laakiise, suuqa ganacsiga waaheen waxa ku nafwaayey boqollaal dab-joog ah oo aan haysan daryeel caafimaad, cunto, biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo hooy ay ka jirsadaan roobka iyo dhaxanta.
Waxa uu u ahaa suuqaasi goobta kaliyaata ee ay ka helli jireen cuntada ay ku noolaayeen, waxaannu u ahaa goob ay gabood iyo gaashaan ka dhigan jireen, habeenkiina waxa uu u ahaa hooy ay seexdaan, habeennimadaas markii dabku qabsaday suuqaas waxa ku sugnaa boqollaal dab-joogta ah oo aan nasiib u yeelan in ay hellaan gurmad lagaga samoto-bixiyo dabkaas, ma’naanay jirin cid xasuusata iyo cid taageero dhaqaale ka gaysata dab-joogta kale ee ku daranyeysan dalka gudihiisa.
Dab-joogta Bisaddaha ayaa ah kuwo ku wadeecaysan dalka ay ku noolyihiin, dadka ay la noolyihiina ee ay weecaansadaana waa kuwo aan u hayn naxariis iyo tudhaale midnaba.
Marka aynu u naxariisanno mayeedhaanka dab-joogta ah ayuu Alle (SW) uu inoo naxariisanayaa, waxa kale oo dhambaalkaygan baroor-diiqda ah ee aan tacsida ahayn halkan u marinayaa diranayaasha xeelsha-dheer leh iyo danneeyayaasha illaaliya xuquuqda dab-joogta iyo duur-joogta.
Qoraa. Maxamed Faarax Qoti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here