Shirkadda Telesom Ma Halis Ayey ku Tahey Dhaqaalaha Iyo Nolosha Shacabka Somaliland?

0
307

Hargeysa,(baraarugtv)-“Telesom Company waa shirkad ka shaqaysa isgaafhsiinra telifoonada,isticmaalka internayda,hab bulshadu isugu dirto adeegyo lacagta oo kala iibsifa ganacsiyada iyo ka iibsanaaba isticmalaan iyo qaybo kale oo shirkadu ka shaqayso ayey ka qabataa telesom gudaha Somalilanday.balse mawduucan waxay diirada ku saaraynaa saameynta dhanka nolosha Telesom ee ku tiirsan ee shacabka somaliland.

1. Shaqaalaha ka shaqeeya shirkada oo ah muwadiniin reer somaliland kuwaas oo masaariifsada mushaharaadka shirkadu siiso
2. Dhalinyarta ku shaqaysata adeega Dhaweeye, taas oo dhalinyar badani ka faa’idey
3. Shirkada oo dakhli badan gelisa dalka sida (dhismaha dalka, horumarinta mashaariicda i.w.m)
4. Shirkada oo tageerta dadka haya fikradaha ganacsi, yadoo hay’ada Innovate Ventures arinkaa kala shaqaysay.
5. Shirkada telesom oo si weyn uga qayb qaadata qurxinta iyo dhismaha caasimada somaliland, yada oo shirkada hoos tagta telesom ee Kaabsan Real Estate, ay dalka gaar ahaan caasimada ka wado xaafado aad loo qurxiyay oo tayadeedu aad u sareyso.
6. Shirkada telesom waxa ay dalka keentay Somgas Company taas oo badbaadisey dhir faro badan oo deegaanka laga goyn jirey, si dadku u isticmaalaan.
7. Shirkada telesom waxa ay sidoo kale shacaka reer somaliland gaar ahaan caasimada hargeysa siisa laydh tayadiisu aad u sareyso, qiimihiisuna jaban yahay.
8. Shirkada telesom waxa ay dalka keenta, shirkada gawaadhida ee Modern Automotive Technology – MATCO, taas oo ah shirkad iibisa gawaadhi tayo leh, oo qiimo jaban ah.
9. Shirkada telesom waxa ay sidoo kale dalka keentay bangiga Dara Salaam Bank, kaas oo shacabka iyo ganacsadata ku maalgeliya lacago ay ku abuurayaan fursado ganacsi iyo dhaqaale.
10. Shirkada Telesom waxa ay caawisaa shacabka danyarta ah ee dalka.

F.G: Halkan kuma soo koobi karno faa’idada shirkada telesom u leedahay shacabka somaliland, madaama faa’idada shacabku ku qabaan telesom ay aad u badan oo aaney ahayn uun intan aynu kor ku xusney.Qormadan waxa qorey: Bahda Qoslaaye Money Exchange

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here