Home Wararka Mulkiilaha Worldremit:-Ma Is-baaro Casri Ah Ayuu U Dhigtay Shirkadda Telesom, Mise Zaadka...

Mulkiilaha Worldremit:-Ma Is-baaro Casri Ah Ayuu U Dhigtay Shirkadda Telesom, Mise Zaadka Ayaa khatar ku Ah Jiritaanka Dhaqaalaha Somaliland?

0
296

Mulkiilaha Worldremit Dr. Ismail Ahmed:-Ma is-baaro Casri Ah Ayuu U Dhigtay Shirkadda Telesom, Mise Zaadka ayaa khatar ku Ah Jiritaanka Dhaqaalaha Somaliland?

Hargeysa,(BaraarugTv.com)-Akhristayaal waxaynu wax-yar is dul-taageynaa haddal ka soo yeedhay Ismaaciil Axmed oo sheegay innuu yahay mulkiilaha wax uu ugu yeedhay shirkad dadku isugu diraan lacagaha oo  lagu kala xawisho moobilada gacanta lagu qaato ama habka xawaalad oo kale ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sagaal iyo tobankii bishii abriil 19/April/2022-kii aqalka madaxtooyada ku qaabilay ee Hargeysa Dr. Ismaaciil Axmed.xilligaa xawli u socday xanuunkii Coronavirus (COVID-19),balse Muuse Biixi oo awkhtigaas warbaahinta afkiisa ku hadasha ee Telifeeshanka Somaliland, ayaa ka sheegay innuu Dr. Ismaaciil Axmed uu yahay Maalqabeen leh Shirkad  Xawaalad ah,laguna magacaabo Worldremit oo ah shirkad ka shaqaysa xawilaadda lacgata ee qaabka Online-ka, laakiin may jirin wax aragti  aqooneed oo shacabka somailand u lahaayeen ka hor. Inkastoo Madaxweyne Muuse Biixi u samaynayey ganacsadaha Dr. ISMaaciil Axmed suuq gayn xayeysiin ah magac uu tuurta ku sito ama jeebkiisa sare wax uu ugu yeedhay worldremit.damaca u qarsoon Ismaaciil Axmed ayaa aheyd, sidduu u helilahaa qayb ama suuq uu lacag badan ka macaasho,walina afka u dhigto goobo khayraadka somaliland ah, woodna ugu yeelan lahaa shirkaddaha adeega lacagaha ama isgaadhsiinta somaliland.

Dr. Ismaaciil Axmed WORLDremit oo mikirifoon uu soo dhex-dhigtay gurigiisa qol ka mid ah, hadal u soo mariyey bayjka uu ku leeyahay baraha bulshadu ku kulanto ee facebuugiisa, waxa hadalkiisii ka mid ahaa sidan.

“Saadku (Zaad),waxa uu maamulaa oo dhex-mara boqolkiiba siddeetan (80%),GDP-ga ama dhaqaalaha Somaliland.adduunyada ma jiro dal dhaqaalihiisu ilaa xadkaa uu ku tiirsan yahay adeega shirkad gaar loo leeyahay ay keligeed bixiso.malaa waddanka u soo dhaw Somaliland waxa weeye Kiiniya boqolkiiba sodon wax ka yar (30%), GDP adeega lacagaha la isugu diro moobilada lacagta kiiniya -PESA is a money transfer. Horta addeega saadka yaa maamula oo gacanta ku haya?

waxa adeega toos u maamula oo awoodiisa leh inanka uu dhalay Axmed Weli Jimcaale ee la yidhaahdo Cabdiraxmaan.

Anigu xogogaal Ayaan u ahey oo muddo saddex iyo toban sano ah Ayaan xidhiidh shaqo naga dhaxeeyay oo ka soo bilaamaysa 2010-kii.Cabdiraxmaan wuxuu noo diiday innaanu la shaqayno saadka (Zaadka telesom).”ayuu yidhi Dr.Ismaaciil Axmed oo sheegay sababta uu u caayey ama u eedaynayo adeega lacagta zaadka Telesom ee somaliland.

Haddaba hadalkiisa Dr.Ismaaciil Axmed Worldremit waxa uu cadeeyay innuu ka cadhaysan yahey shaqada looga diiday adeega saadka(Zaad money),ayaa nuxurka ku qarsoon ee ku jira ama ay la xidhiidho doodiisu, ayaa ah mid naftiisa ama dantiisa dhaqaale lacageed isagu ku haysto shirkadda Telesom ee aaney aheyn danta bulshada reer somaliland.laakiin uu is leeyahey shacabka iyo dawladda somaliland ka horkeen shirkadda Tekesom,isagoo shir-qool kicin ah ka raadinaaya Axmed Weli Jimcaale ee ganacsadaha koonfurta soomaaliya wiil uu dhaley ayaa maamula adeega lacagta saadka shillin somaliland,taasina waa wajalaad uu ku sameeyay Telesom,madaama koonfurta soomaaliya iyo somaliland ay ka dhex-taagan tahey arrimo la xidhiidha qadiyada madax-bannaanida dawladda somaliland. somaliland.isla markaana waxa uu fariinta u diraayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shirkadiisa Worldremit saami ku leeyihiin xubno ka tirsan qoyska Madaxweynaha Muuse Biixi,waxaana jira arrimo waa weyn oo aan jeclayn innaan halkan idinku soo gudbiyo,madaama mawduuceenu ku saabsanayn.laakiin ujeedada uu u socdaa Ismaaciil Axmed iyo xubno qarsoon hadafkoodu uu ka qoto-dheer yahey,qorshahoodu waa siddii ay u wiiqi lahaayeen shirkada telesom oo ay aamisan yihiin inay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee khayraadka dalka somaliland gacanta ku hayso shirkadda Telesom. shirkadda uu sito ee worldremit ee uu u dagaalamayo, si uu suuq ugu helo shirkad uu tuurta ku sito oo aan xafiis ama xarun-ba ku laheyn somaliland ujeeddediisu weeye.

Dr.Ismaaciil Axmed, madaama uu ku dooday innuu yahay ganacsadde leh shirkad caalami ah Worldremitma waxay ka shaqaysaa Somaliland oo kaliya,mise arrinkiisu waxa weeye, aniga ayaa leh dalka Somaliland madaama uu dhalasho ahaan ka soo jeedo beelaha reer Somaliland,gaar ahaan beesha Madaxweyne Muuse Biixi.sidaa darteed maxuu uga hadli waayey meel kasta oo dawladda faderaalka soomaaliya maamul-goboleedyada ka jira deegaanada  soomaalida ee hoos yimaada waxa ka jira adeegyo lacagaha la isugu xawilo ama la isugu gudbiyo moobilada,sida somaliland oo kale.maxaa Dr Ismaaciil Axmed ku koobay adeega zaadka shillin somaliland,taasi marqaati cad miyey u aheyn in hadalkiisu ahaa af ganacsi qabyaaladeysan, macnaha eedayntiisa zaadka shirkadda Telesom ee Somaliland miyaaney aheyn qabyaalad.?

Dr.Ismaaciil Axmed,waxa uu baalmaray in habka saadka telesom xilligii laga dhigaayey adeegka zaadka shilin Somaliland in world baanka adduunka,quburo aqoon dheer u leh dhaqaalaha afrika, Wasaaradda maaliyada oo xiligaas wasiir samaale joogay iyo wasaaradda qorshaynta Dr Sacad cali Shire shirk a dhacay magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay daraasad qoto dheer oo ku saabsan adeega saadka.xukuumaddii madaxweynihii ka horeeyay Muuse Biixi cabdi ee Axmed siilaanyo oo qayb ka aheyd dhaqaalaha saadka shilin Somaliland la doonayey in laga dhigo, qorshahaasna waxa wadatey xukuumaddii axmed siilaanyo waxa tusaale loo soo qadanayey dalka Kiiniya iyo Tansaaniya, kuna salaynaysay dawladda Somaliland.xukuumaddihii kala dambeeyay ee xisbiga talada haya ee Kulmiye gadh-wadeenkana ka yahay madaxweyne Muuse Biixi ayaa isna markuu yimi wuxuu xidhiidh shaqo oo dhanka sixirka isku badelka lacagaha qalaad iyo shilin Somaliland u wada jaan gooyaan oo u wada maamulaan mataano ka dhigay bangiga Somaliland iyo adeega zaad.

Dr.Ismaaciil wuxuu iska indho tiray shirkaddaha maamulaha dhaqaalaha Somalilnad oo ay ka mid yihiin Banka – Somaliland Central bank , Premier bank Master Card,Edahab Dabahshile bank, Amal Bnak Gobol,intaasiba waxay gudbiyaan money transfer

Halka laga soo xigtay  Laanta sirdoonka mareykanka ee arrimaha dibadda. Inkastoo aan xidhiidh dhanka telifoonka ku raadiyey dr.Ismaaciil Axmed Worlsremid, balse Nasiib daro iimay suurta galin innaan halo, si aan xog dheeraad ah uga raadiyo suuqa ganacsi danaha dhaqaale ee zaadka isku haystaan.

Hase yeeshee, Dr.Ismaaciil Axmed mulkiilaha worldremid .Waxaa yaab ah Inaad Nin Dukaan Uu leeyahay kula Garnaqsato waliba markuu Ku yidhi Ma waxbaad ila lahayd. haddana aad Ka dacwoonayso, adigoo Ka dhigaaya dambiilayaal dhaqaalihii umadda dhacaaya ama halis ah.isla markaa wuxuu daaqad dambe ka soo galay ganacsiga suuqyada Somaliland.Dr.Ismaaciil isaga ayaa inagu yidhi tijaar Ayaan ahey laakiin xafiis-ba gudaha Somaliland kuma laha,ninkan magaca tuurta ku sita ee inagu leh waa shirkad worldremid shacabka reer somaliland waxay aamisan yihiin inaanu aheyn maal-qabeen,laakiin madaxweyne muuse biixi ayaa sheegay innuu maalqabeen yahey,mana jirto cid cadaynaysa hanntida uu sheegayo innuu leeyahey.

Xafiiska E-mail:  Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here