Shir Beeleed Hargeysa Laga qaban qaabinayo

0
2009

Magaalada Hargeysa, ayaa laga dareemaya dhaq-dhaqaaqa shir ay qabsanayaan qaar ka mid ah Beelaha Dega Waqooyiga Hargeysa.

Shirweynahan, oo maalmihii u dambeeyey qaban-qaabadiisa laga waday Magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in ay qabsanayaan qaar ka mid ah Beelaha dega Waqooyiga Magaalada Hargeysa, kaas oo loo qorsheeyey inuu qabsoomo bisha dambe ee September.
Shirkan oo ay hawshiisa wadaan dhalinyarro, aqoonyahanno, Madax-dhaqameed iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda Beelaha Waqooyiga Hargeysa, qaarkood, ayaa la sheegay in lagu qabanayo Deegaanka Ceel Sheekh.

Ma Jiro war rsami ah oo laga soo saaray ujeeddada shirweynahan, hase yeeshee wararka laga helayo dadka ka dhow qaban-qaabiyeyaasha, ayaa sheegaya inuu la xidhiidho sidii ay beelahaasi uga arrinsan lahaayeen arrimo khuseeya Deegaannadooda iyo horumarintooda.

Wararku waxa ay intaasi ku dareen, in shirkan sidoo kale lagaga hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadda ee wakhtigan, gaar ahaan saameynta doorashadii u dambaysay ku yeelatay, horumarinta deegaannadooda iyo sidii ay uga tashan lahaayeen qaabka ay u wajahayaan waxyaabaha khuseeya siyaasadda mustaqbalka.

Wargeyska Saxansaxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here