Saxeexa xeerka Doorashooyinka Muuse Biixi &Shuruuda Muuse ku xidhay xisbiga Waddani

0
69

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Muuse Biixi ayaa lay xaqiijiyey inuu saxeexay xeerarkii doorashooyinka balse aanu ilaa hada go’aansanin wakhtiga rasmiga ah ee uu shaacin doono.

Warar I soo gaadhay ayaa sheegaya in sidoo kale Muuse Biixi uu qorsheeyey inuu golaha wakiilada u gudbiyo shaqo joojintii lagu sameeyey xubintii xisbiga Waddani u qaabilsanayd guddida doorashooyinka si ay xilka uga qaadaan.

Dhinaca kale xisbiga Waddani ayaa lay xaqiijiyey inuu diyaariyey xubinta cusub ee ku matali lahayd guddida doorashooyinka kuwaas oo madaxweynaha u gudbin doona marka ay golaha wakiiladu ansixiyaan xil ka qaadista xubintii hore.

Wararku waxay sheegayaan in Muuse Biixi uu qorsheeyey inuu arimaha doorashooyinka iska dhameeyo isla markaana u jeedsado heshiiskii Itoobiya, isaga oo dalbanaya in lagala shaqeeyo fulintiisaItoobiya dhankeeda wararka ka soo baxayaa waxay sheegayaan in raysal wasaare Abiy uu dalbaday in mudo lix bilood ah dib loogu dhigo saxeexa heshiiska rasmiga ah isaga ku doodaya in culays siyaasadeed uu haysto.