Sababta Ay Madaxweyne Biixi Uga Aamuseen Siyaasiyiin si adah

0
954

Siyaasiyiin waa weyn oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,ayaa ahaan jiray cahdigii Dawladdii Madaxweyne Siilaanyo qaar si weyn u mucaaradi jiray,haseyeeshee waxay mar qudha ay hawada ka baxeen markii xilka Madaxweynenimo lagu wareejiyey Madaxweyne Biixi,kuwaas oo siyaabo kale duwan loo fasiran karro sababtii ay Siilaanyo u dhalliili jireen,isla markaana la is weydiinayo sababta ay uga aamuseen dhalliilaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi dul hogganaya.

Xukuumadda Siilaanyo ayaa ahayd mid ka hadhsan weyday,isla markaana mucaarid-nimo adag kale kulmi jirtay siyaasiyiinta waa weyn ee ay Madaxweyne Biixi isku beesha yihiin iyo weliba madax-dhaqameedka,kuwaas oo si joogta ah u eedayn jiray Xukuumadda Axmed Siilaanyo,waxaanay ahayeen kuwo keeb la yurur ahaa ilaa intii uu Madaxweyne Biixi uu xilka la wareegayey,balse markii Madaxweyne Biixi xilka la wareegay ayey noqdeen kuwo hadh-galay,isla markaana gebi ahaan-ba ka gaabsaday inay wax ka sheegaan Xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweynaha ay isku beesha yihiin ee Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kalene Siyaasiyiinta ay Madaxweyne Biixi isku beesha yihiin ayaa ahaa qaar ka koobnaa Siyaasiyiin, Mujaahidiin iyo Xildhibaanno kamid ahaa Golihii hore ee Wakiillada Somaliland,kuwaas oo si gooni gooni ah ula hadli jiray war-baahinta,balse isku ujeedo ahaa,isla markaana eedaymo u jeedin jiray Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo,waxaanay markii ay xilka wareejisay Xukuumadda Axmed Siilaanyo inta baddan ahaa qaar ku tiraabi jiray haddalo ahaa Xukuumadda Siilaanyo dalka wey boobtay iyo kuwa kale oo lagu caayayo Beesha uu ka soo jeeday Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Geesta kalene Siyaasiyiinta ayaa markii Madaxweyne Biixi xilka qabtay noqday kuwo hadh-galay,isla markaana afka ka xidhay inay dhalliilo ujeediyaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi,kuwaas oo ka aamusay inay wixii khaldan ay ka hadlaan,taas oo lagu macneeyey laba qodob oo qabyaalda ugu horeysay,isla markaana ay u xubeeranayaan reer-nimo oo ay xeerinayaan qodobka kamid ah xeerka Subeeriyadda iyo qodobka labaad ayaa isna ah inuu jiro qorshe beelaysan oo arrinkaas laga gaadhay,isla markaana la is faray in si hoose mooyee aan war-baahinta laga dhalliilin Madaxweyne Biixi inta uu xilka hayo.

Waxa kale oo jiro tuhun kale duwan oo lala xidhiidhinayo sababaha ay siyaasiyiintaas ay uga muquurteen inay farta ku fiiqaan dhalliisha Xukuumadda ayaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta qaarkood ay yihiin mus dambeedka Xukuumadda Madaxweyne Biixi,isla markaana uu ka tallo qaato,halka qaarkood-na lagu sheegay in muraado kale loo dhammeeyey.

Si kastaba ha- ahaatee Siyaasiyiin baddan oo ay Madaxweyne Biixi isku beel yihiin oo ahaan jiray kuwo si adag u eedayn jiray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii Madaxweyne Biixi uu xilka Madaxweynenimada qabtay hadh-galay,isla markaana ka gaabsaday inay farta ku fiiqaan dhalliisha Xukuumadda Madaxweyne Biixi,waxaanay taasi muujinaysaa inay qabyaalad ku eedayn jireen Xukuumadda hore ee Madaxweyne Siiilaanyo, isla markaana ay reer-nimi ku tixgelinayna oo ay ku ixtiraamayaan Madaxweyne Biixi.

@ Wargeyska Waaberi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here