Raysal,wasaare Abiy oo goobo kale ka qabsadey TPLF

0
309

Hargeysa,(baraarugnews.net)-Ciifanka difaaca qaranka Itoobiya (ENDF) oo TPLF ka qabsaday 7 goobood oo kale. War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare Abiy Axmed ayaa lagu caddeeyay in ciidanka qaranka oo weli ugaadhsanaya jabhadda nabad-diid ka ah ee TPLF ay qabsadeen toddoba goobood oo cusub oo ku yaalla deegaannada Canfarta iyo Axmaarada, kuwaas oo ay hore u joogeen TPLF.

Aagga jiidda hore ee Woreillu, Ajbar, Tenta iyo Dob ayaa ka mid ah aagagga cusub ee ciidanka fadaraalku furteen, halka magaalooyinka Majete Chereti, Iriqe, Woledi, Albuko, Qalu Wereda iyo Kemisse na ay hore dhawaan ugala wareegeen TPLF.

Kooxda TPLF kama ay hadal weli deegaannadan lagala wareegay, waxa se ay muuqaal hore oo ay duubeen ku sheegeen; in ay weli dadkooda Tigray dagaallami doonaan inta “xididku gujinayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here