“Qof Walba Gidaarkiisa Yar Isagaa Ka Taliya Ee…”

0
109

Hargeysa(Baraarugtv.com)-“Marka qofku uu mawduuc soo dhigo degelkiisa baraha bulshadda ujeedo kasta ha lahaadee, waxa akhlaaqaddu ku jirtaa in aad si asluubaysan uga fal celisid. U jawaab adigoo ama ku diidaya, ama ku raacaya, ama faalo ku darsanaya, amaba si kale wax u tusinaaya. Adigoo weliba aan marna ka bixin mawduuca la soo dhigay. Laakiin dadka qaar intay mawdiicii ka baxaan ayeey xataa qofkii soo dhigay ku mashquulaan. Cida iigu yaabka badneyd waa qof kugu qabsanaya xataa maxaad wax u share gareeysay…”

“Qof walba gidaarkiisa yar isagaa ka taliya ee laakiin fikradaha kala duwan ha laysku ixtiraamo iyadoo aan laysku colaadsan si blockta iyo iskarahu u yaraado. Habdhaqankan Faceboogu maaha inaad si xun wax walba u jiidho sababtoo ah dadka qaar baa kuu qaadanaya qof aan maskixiyan aan dhameyn. Edebta iyo urursanaantu keligaad maaha mid ka baxsan baraha bulshadda. Xataa caalamka cusub shaqaalaha waxa la eegga degeladooda intaan shaqadda la qorin, xataa la sheeg arday ay Jaamacaddo waaweyni kala noqdeen aqbalaaddii iyo dar ku guur seegayba. Fadlan ha laysku ixtiraamo fikrad kala duwanaanshaha. Qaar baa haday doonaan imika fariintaa ku mucaaridaya Oo ka baxaya mawduuca, kheyr baan idinku ogohay…”

Qalinkii : Aqoonyahan #Jamaal_Cali_Xuseen