“Waxaad Moodaa Macdantii dalka in lagu qamaamay. Hadaan Wasaarada Nahay Waxa…”

0
80

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-wasiirka Wasaaradda tamarta iyo macdanta dawladda Somaliland,ayaa maanta xaflad ku  daah-furaay shaacinta nidaam ama istaraajiyad lagu dhaqan-geliyey siyaasad cusub oo loo dajiyey Macdanta iyo khayraadka ku duugan dhulka dalka Somaliland,ayaa lagu qabtay maanta huteelka maansoor ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Masuuliyiin xilal kala duwan ka haya dawladda somaliland,oo isagu jira Wasiiro,Agaasimayaal,xubno ka socda bulshada rayidka ah, madax ka socday dalalka deriska la ah somaliland iyo waddamadda caalabka,ayaa ka qayb-galey Munaasibadda lagu shaaciyey nidaabka cusub ee siyaasadda lagu hagi-doono khayraadka iyo macdanta dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda macdanta iyo tamarta xukuumadda Somaliland, oo maanta  ka hadlay munaasibadda maanta lagu daahfurayey khayraadka ku jira dhulka somaliland,ayaa isaguna yidhi siddan. “Waxaad Moodaa Macdantii dalka in lagu qamaamay. Hadaanu Wasaarada nahay, Waxa xaq nalagu leeyahy inaan dawlada Iyo Sharkadahaba Xaqooda Uga soo Qaadno Dadkuna Waa Inay Nabada Ilaaliyaan.”

Geesta kale,masuuliyiin kala duwan, oo iyaguna ka hadlay xafladda daahfurka nidaabka cusub ee ay dawladda somaliland ku maamuli doonto khayraadk iyo macdanaha ku jira dhulkeeda,ayaa soo bandhigay khayraadka ceegaagan beri iyo bad-ba,isla markaana sida caalamku uu maanta u daneynayo somaliland.

Emial÷caarshe@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com

Office Hargeysa