Nin guursaday gabadh uu dilay Aavaheed

0
415

Alfred iyo Yankurije waxay wada aqal galeen 14 sano kadib xasuuqii Rwanda

Si aad uga soo kabsato dhibaatadii kuso gaartay waa in aad is jeclaatan – sidaas ayay aaminsan tahay haweeney cafisay ninkii dilay seygeeda 28 sano ka hor xilliggii u socday xasuuqii Rwanda, sidoo kale waxay u ogolaatay wiilkeeda in uu guursado gabadhii uu dhalay ninkii dilay seygeeda.

Bernadette Mukakabera waxay dhacdada qabsatay ka sheekaynaysay iyada oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wado Kaniisadda Katooliga si ay dib-u-heshiisiin u dhexdhigto bulsho kala go’day 1994-tii markaasoo ilaa 800,000 oo qof lagu gowracay 100 maalmood gudahood.

“Carruurteena wax lug ah kuma lahayn waxa dhacay, waa ay is jeclaadeen, ma jirta cid ho istaagi karto jaceylkooda” ayay tiri Bernadette oo BBC-da u warrameysay.

Bernadette iyo seygeeda Kabera Vedaste waxay ka soo jeedeen bulshada Tutsi-ga, kuwaas oo la beegsaday ka dib markii sanadkii 1994 la soo riday diyaarad uu la socday madaxweynihii kasoo jeeday qowmiyadda Hutu ee Rwanda.

XAYEYSIIN

Qoyska Gratien Nyaminani, waxay ku ag noolaayeen Bernadette oo daganeyd galbeedka Rwanda. Labaduba waxay ahaayeen beeraley.

Kadib uu dhamaaday xasuuqii, oo ay xukunka la wareegeen jabhada Tutsiga, waxaa xabsiga la dhigay boqolaal kun oo qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilal.

Gratien Nyaminani ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana ugu dambeyn lasoo taagay mid ka mid ah maxkamadaha bulshada, ee loo yaqaan Gacaca, taasoo loo sameeyay inay wax ka qabato dadka lagu tuhmayo xasuuqa.

Dhageysiyada todobaadlaha ah eeaxkamadda, bulshada waxaa la siiyay fursad ay ku wajahaan eedaysanayaasha oo ay bixiyaan caddayn ku saabsan waxa dhabta ah ee dhacay – iyo sida ay wax u dhaceen.

maxkamadaha bulshada, ee loo yaqaan Gacaca, taasoo loo sameeyay inay wax ka qabato dadka lagu tuhmayo xasuuqa.xigasho Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here