Nin Dad tiro badan suuq ganacsi toogasho ku dilay

0
282

Hargeysa(baraarugnews.bet)-
Dhowr qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xarun laga dukaameysto oo ku taal caasimadda Denmark ee Copenhagen, sida ay booliisku sheegeen.
Taliyaha booliska Soeren Thomassen oo ku dhawaaqay dhimashada ayaa sheegay in nin 22 jir ah oo reer Denmark ah loo xiray weerarka.

Mr Thomassen waxa uu sheegay in ujeedku aanu caddayn, balse aanu meesha ka saari karin inuu yahay “fal argagixiso”
Goob joogayaal ayaa ka hadlay cabsi soo wajahday dadkii wax ka iibsanayay, iyadoo rasaas ay ka dhacaysay gudaha Suuqa oo ku yaalla Koonfurta magaalada.
Emilie Jeppesen ayaa u sheegtay wargeyska Jyllands-Posten: “Wax dhacayay waan ku jah-wareernay.

Goob-jooge kale oo lagu magacaabo Mahdi Al-Wazni ayaa TV 2 u sheegay in ninka toogashada geystay uu watay “qoriga lagu ugaarsado”.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay fiidnimadii Caawa, Mr Thomassen ayaa sheegay inay aad ugu u adagtahay in si sax ah loo sheego tirada dadka ku waxyeeloobay weerarka.

Laakin waxa uu warfidiyeenka u sheegay in aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in rag kale wehliyeen ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka geystay.
.
XIGASHADA SAWIRKA,EPA
Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 dukaamo iyo makhaayado.
Heesaaga caanka ah ee reer Ingiriis Harry Styles ayaa lagu waday in habeen dambe uu goobtan ku qabto xaflad faneed.
Qabanqaabiyeyaasha bandhig faneedka ayaa Facebook ku soo qoray in riwaayaddu ay dhici doonto ka dib markii ay booliiska si dhow ula shaqeeyaan.
Magaalada Copenhagen ee caasimadda Denmark ayaa sannadkan noqotay magaalada ugu nabddoon adduunka, waxaana magaalada si weyn looga shaqeeyay ilaalinta bilicda deegaanka gaar ahaan xakameynta wasakhda iyo ka shaqeynta caafimaadka dadweynaha.
“Dhul doogga ah ee cagaaran ay biyo maraan waxaa xilliggii samfarka soo buux dhaafiyay dad badan, shacabka Copenhagen si weyn ayay u tamashleynayeen halkaas, waana goob hawo nadiif ah leh” ayuu yiri Asbjørn Overgaard, oo ah madax hay’ad aan dowli aheyn oo la yiraahdo Copenhagen Capacity.
Sidoo kale magaaladan waxay ka shaqeysaa ka hortagga cudurka Covid-19 iyadoo dowladda hoose ay dhaqangelisay barnaamij ballaaran oo lagu baarayo dadweynaha, xitaa dadka dalxiisayaasha ah si bilaash ah ayaa lagu baaraya.
Si dadweynaha ay u helaan deegaan ka shaqeynayo badqabkooda iyo ka hortagga musuq maasuqa si shacabka dalkaas ay u aaminaan dowladda xilligga safmarka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here