Muxuu Yahay Kursiga khilaafka Cakiran Abuuray Ee Taliyaha Ha’yadda Sirdoonka NISA EeSoomaaliya ?

0
420
Muxuu Yahay Kursiga khilaafka Cakiran Abuuray Ee Taliyaha Ha’yadda Sirdoonka NISA EeSoomaaliya ?
Muxuu Yahay Kursiga khilaafka Cakiran Abuuray Ee Taliyaha Ha’yadda Sirdoonka NISA EeSoomaaliya ?

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Khilaaf ka taagan Sarkaal ha’yada NISA ee sirdoonka soomaaliya oo kursi doorashada xildhibaanada Golaha shacabka qaatey, ayaa abuurey shaki-weyn iyo walaac hadheeyay doorashada soomaaliya ee aqalka shacabka Baarlamaanka Muqdisho.
Waxaa maanta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho ka dhacay doorashada xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.Isla markaana Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay xildhibaannadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka iyagoo sheegay in doorashadaasi ay tahay sidii ay ku bilaabatay.
Sidoo kale, waxa soo baxaaya cabasho ay qabaan qaar ka mid ah odayaasha deegaan doorashada kuraastooda ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo sheegaya in ergo aan sax ahayn la xaraynayo kuwii reerkana laga tegay.Balse oday ka mid ah Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67, wax uu ka ogyahayna aanay jirin ergada joogta magaalada Dhuusamareeb, isagana laga hor istaagay inuu magaaladaas tago.
Dhinaca kale, dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorashada ay waqradaha aqoonsiga diiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, arrintaas oo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada.
Musharraxiinta war saxaafadeedka soo saaray iyo siyaasiyiin kaleba waxay si gaar ah caro uga muujiyeen go’aankaas, iyagoo sheegay in xeerka la isku ogyahay uu ahaa mid dhigaya in sarkaal xil haya aan loo oggolaanin doorashada ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor waqtigaas.
Guddiga doorashada ayaase sheegay in qodobkaas ay ku saxan yihiin, habraacuna uusan cidna ka reebeynin doorashada.
“Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii wadatashiga qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xaddidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya – ama xil dowladeed ama xil ciidan – inuu iska soo casilo kursiga uu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here