Muxuu yahay kulan ku dhex-marey Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Iyo Hay’add Caalami ah magaalada Hargeysa?

0
434

Muxuu yahay kulan ku dhex-marey Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Iyo Hay’add Caalami ah magaalada Hargeysa?
Hargaysa [Baraarugnews.net] Wasaaradda biyaha somaliland, ayaa qabatay kulan hawleed dib loogu eegayo waxqabadyadii Hir-galay sannadka 2021-ka iyo qorshayaasha cusub ee sannadka 2022-ka

Kulanka oo wasaaraddu soo qaban qaabisay ayaa magaaladda Hargaysa, lagu qabtay waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiinta Hay’adda UNICEF, oo wasaaradda ay iska kaashanayeen dejinta mashaaricda horumarineed ee wasaaraddu waddo

Masuuliyiin wasaaradda biyaha ka socda ayaa kulanka goob joog ka ahaa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka wasaaradda biyaha Siciid Axmed Jibriil Iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiraxmaan Faarax Belel, waxaana ay ka hadleen sida qorshaha dib u eegista mashaaricda iyo qorsheynta kuwa cusub muhim u yihiin isla markaana ay haboon tahay in wax la iska waydiiyo maxaa ka fulay qorshihii wasaaraddu dhigtay sannadka dhamaanaya maxaase ay qorshuhu kaalmaha hore siin doonaan sannadka cusub

Shirka dib u eegista waxqabadkii wasaaradda biyaha iyo qorshayaasha sannadka cusub ayaa waxa qayb ka ahaa ha’yaddaha wasaaradda wadda shaqaynta leeyihiin

Wasiirka wasaaradda biyaha Cali Mareexaan, ayaa muddadii uu xilka hayay dar-dar geliyay hawlaha shaqo ee wasaaraddu u hayso bulshadda somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here