Muxuu Daarnaa Kulanka dhex-maray Madax-dhaqmeedka Beesha Habaryoonis Iyo Muuse Biixi ee Madaxtooyada Aqalka Magaalada Hargeysa?

0
586

Muxuu Daarnaa Kulanka dhex-maray Madax-dhaqmeedka Beesha Habaryoonis Iyo Muuse Biixi ee Madaxtooyada Aqalka Magaalada Hargeysa?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan kula qaatay madaxtooyadda Madax dhaqameed ay isku deegaan yihiin musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

Kulanka oo ahaa mid aan warbaahinta lala wadaagin ayaa ilo wareedyo xaqiijiyeen in lagaga wadda hadlay sida ay suura-gal u tahay in xiliga la furo ururadda siyaasadda

Kulanka waxa lagaga hadlay sidii doorashadu xiligeeda ugu dhici lahayd iyo mowqifka taageero ee beesha Cabdiraxmaan Cirro, u hayso madaxweyne Biixi, inuu mar kale soo noqdo

Wasiiro ka soo jeedda beesha musharaxa madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, oo kulamadda ka shaqeeyay ayaa iyaguna la dhacsan hogaaminta madaxweynaha waxaana wasiiradda ka mid ah wasiirka deegaanka Iyo wasiirka xannaanadda xoolaha somaliland

Lama oga qodobadda dheeraadka ah ee ay ka wadda hadleen balse kulankan ayaa ku soo beegmaya xili labo qodob oo adag hor-yaalaan madaxweynaha somaliland

1. Inuu ururadda siyaasadda furo, taas oo dalka u horseedi doonta jiho cusub isla markaana ay fursad heli doonaan siyaasiyiin miisan culus oo salaanka siyaasadda meelay ka fulaan la’aa

2. Inuu doorashadda madaxtooyadda xiligeedii ku qabto, waxaana weli madaxweynaha damac kaga jira inuu shanta danbe ee dastuurku xaqa u siiyay uu dib u soo noqdo isaga oo ka shidaal qaadanaya taageeradda codeed ee uu ka helayo beelaha somaliland

Ilo wareedyo Irmaan News, la xidhiidhay ayaa u xaqiijiyay in doorka damaca ugu weyn ee madaxweynuhu rabo ay tahay inuu codka u doonto beeshiisa iyo beesha Garxejis, oo iyaga ah kuwo musharax madaxweyne ka ah xisbiga Waddani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here