Muuse Biixi oo soo saaray  Xil ka qaadis iyo magacaabis  Weyd ah

0
435
Muuse Biixi oo soo saaray Xil ka qaadis iyo magacaabis Weyd ah
Muuse Biixi oo soo saaray Xil ka qaadis iyo magacaabis Weyd ah

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Muuse Biixi cabdi, ayaa manta sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis, naf la caariya, isla markaana kornayl Madaxweyne Musue Biixi ayaa fashil siyaasadeed dhex-fadhiya waxay wareegtada uu soo saaray u dhignayd sidan:-

“Wareegtooyin Madaxweyne : 01/11/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-772/112021           uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:  Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay Yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u Leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hannan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

  1. In Cabdiqani Maxamuud Jiidhe laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

*****************************************************

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar;

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here