Muuse Biixi oo qas iyo falalaqo ka bilaabey koomishanka doorashooyinka Somaliland

0
97

Hargeysa,(baraarugtv.com)- :- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa mar labaad golaha wakiilada ku soo celiyey Kominshineer Cabdicasiis Xirsi Warsame .Madaxweyne Biixi waxuu mar labaad golaha wakiilada ka codsadey inay codka kalsoonida kala noqdan xubintan ka tirsan Kominshanka Doorashooyinka .

Golaha wakiilada ayaa dhawaan diiday inay xilka ka qaadan kominshiner Cabdicasiis Xirsi Warsame , isla markaana waxba kama jiraan ka dhigay eedeyntii madaxweynuhu u soo gudbiyey Golaha wakiilada