Muuse Biixi oo kulan Degdeg Ah isugu Yeedhay Golaha Wasiiraddiida &Maxay Tahey U-jeeddada Shirka Loogu Yeedhay?

0
77

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Madaxweyne Biixi, ayaa maalinta berri ah kulan degdeg ah isugu yeedhay xubnaha golaha wasiirrada sida ay Illo wargaleen ah Gallaydh Media u xaqiijiyeen.

Shirka Golaha wasiirrada ayaa la filayaa in lagaga doodo arrinta ku saabsan gobolnimada Gebilay iyo magaalooyin kale oo derejooyinkooda la kordhin doono.
Haddii qorshani hirgalo xukuumadda ayaa Golaha Wakiillada u gudbin doonta ansixinta gobolnimada Gebilay iyo weliba in derejooyinka loo kordhiyo magaalooyin kale.

Mucaaradka iyo muxaafidka Somaliland ayaa markasta oo doorashooyinku soo dhawaadaan ololaha ku gala arrinta in gobol rasmiya loo aqoonsado Gebilay oo ah magaalo dad badani aaminsan yihiin in ay u qalanto gobolnimada marka loo eego Dhaqaalaha ay soo saarto iyo tirada dadka ku noolba.