Ma fulin Doonaa xeerka Isa-saarka Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Ururadda Muuse Biixi??

0
225

Hargeysaa,(Baraarugtv.com)-Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa la sheègay inay u gudbiyeen xeerkii doorashooyinka madaxtooyadda iyo Ururadda Somaliland oo ku beegan in la qabto bisha kow iyo tobnaad ee sannadkan 2024ka.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahey oo ka ag-dhaw xafiiska muuse Biixi ee Madaxtooyadda iyo xafiis uu ka dhex-furtay aqalkiisa ku yaala xaafadda Shacabka Muuse Biixi Cabdi ee magaaladda Hargeysa,ayaa u sheegay Warbaahinta Baraarugtv.com in xeerka labada Gole ansixiyeen ee Guurtidaa iyo Wakiiladda Somaliland ay u gud-biyeen Xeerka Muuse Biixi,Balse ilo-wareedyadda ayaa tibaaxay in Muuse Biixi muddo haysto xeerkaa,ka dib uu darso si uu foodo iyo muran galinayo,kaasoo la filayo innuu xeerka isu-dhaafin doono Maxkamadda sare.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Muuse Biixi khas ka abuurayo wax ka badelka ay ku sameeyeen hagaajin markay shaley sheegeen in si khaldan u dhigeen Guurtidu xeerkii isa-saarkii doorashada mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland oo qodobo ay ka mid yihiin go’aankii doorashada isa-saarka ee soo saareen Madaxdhaqmeedkii beesha Habarjeclo.
Sidoo kale,xogahaa ayaa sheegay in Muuse Biixi dib u soo celin doono xeerkaa ama maxkamadda sare isu-dhaafinayo oo aanu sii daynayn muddo dheerna haysanayo xeerka.