Musharixiintii dhacay ee xisbiga Waddani ayaa wada hadal la furay Muuse Biixi

0
1714

Musharixiintii dhacay ee xisbiga Waddani ayaa wada hadal la furay Muuse Biixi iyo xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Musharixiintan oo kala ah Xuseen Aadan Cade, Jamaal Cabdi Aadan,Dr. Ciise Kayd, Eng Yuusuf Siciid oo u tartamayey golaha wakiilada iyo Eng Cabdilaahi Cali Xasan oo u tartamayey golaha deegaanka Hargeysa ayaa kulan hordhac ah oo ay Muuse Biixi kula yeesheen madaxtooyada waxay isku afgarteen inay xisbiga Kulmiye u soo wareegaan iyada oo musharixiintii Waddani ay dalbadeen inay taageerayaashooda la soo tashan doonaan isla markaana qorshe midaysan ku iman doonaan xisbiga Kulmiye.

Musharixiintan guuldaradooda ku sababeeyey suldaaro xisbiga Waddani u dhigay ayaa hada bilaabay shirar qorshaysan oo ay taageerayaashooda iskugu keenayaan kuwaas oo ay doonayaan inay kala tashadaan qorshaha ay ugu wareegayaan xisbiga Kulmiye.

@ Abdirizak Goud Nour

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here