Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Haddii Ay Sii Daysay Saaka Cabdimaalik Muuse Coldoon Maxaa Keenay In Jeelka lagu Sii Hayo Ee magaalada Haregysa?

0
426
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Haddii Ay Sii Daysay Saaka Cabdimaalik Muuse Coldoon Maxaa Keenay In Jeelka lagu Sii Hayo Ee magaalada Haregysa?
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Haddii Ay Sii Daysay Saaka Cabdimaalik Muuse Coldoon Maxaa Keenay In Jeelka lagu Sii Hayo Ee magaalada Haregysa?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Xeer ilaalinta Somaliland, ayaa fashilisay go’aan xukun Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ku dhawaaqday,isla markaana markii maanta Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay Go’aanka ay maanta maxkamaddu ka gaadhay eeddaynta uu u xidhnaa Coldoon, kaasoo xabsiga ku sii jiri doona tan iyo inta go’aan laga gaadhayo racfaanka xeer ilaalinta. Booliiska Somaliland xidhay bishii August ee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Maxaa ka mid  ah dacwadaha lagu soo oogay Wariye Coldoon?

Sida ku xusan warqadda xeer ilalinta maamulka Muuse Biixi , Cabdi Maalik waxaa loo haystay dhowr eedeymood. Waxaa ka mid ah eedeymaha lagu soo eeddeeayay.

1:innuu bartiisa Face-buugiisa uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur ah oo ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo ee ku yaal magaalada Hargeysa ee Somaliland.

2:- Qodobka kale ee lagu soo oogay Cabdimaalik ayaa sido kale ahaa in “dacaayad qaran dumis ah uu fidiyay.

3: Dacwada kale ee lagu soo oogay Cabdimalik innuu cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo qaran-nimadeed”.

Arrinta Wariye Coldoon ku dhacday ma sharci-daraa?

Qareenkii u doodayay Cabdimaalik Muuse Coldoon Jamaal Mandeela ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay kiiska ku guuleysteen.”Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dacwadaasi ku guuleysano, balse waxaan ka xunnahay inuu wali xabsiga ku sii jiro, iyadoo maxkamda ay amartay in xurriyadiisii dib loogu soo celiyo Coldoon,” ayuu yidhi  qareenkii u doodayey Mr Mandela.

Qareenku wuxuu intaa ku sii daray oo uu raaciyey, sidan.”Waxaan ka xunahay iyada oo uu sharciga dhigayo in marka ay maxkmadda ku dhawaaqdo in uu albaabka ka baxo in xafiiska xeer ilaalinta markiiba racfaan qaatay oo uu ku dhawaaqay in ay racfaan qaateen islamarkana uusna xorriyadiisii uusan wali wada helin Cadimaliak oo wali uu sii xiran yahay,” ayuu intaa ku daray. Wuxuu intasi ku daray, “Taasi sharciyan waa arrin gef ah sharcigana wuu mamnuucay , waxaa uuna sharciga dhigayaa in qofka marka ay maxkamada ku dhawaaqdo in la sii daayay markiiba uu albaabka ka baxo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here