Maxay tahey Ujeedada kulanka dhex-maray Murashax Cirro iyo safiiradda Yurub

0
145

Nairobi,(baraarugtv.com)-Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ina Cirro), Ayaa Maanta Kulan Xaasaasiya Kula Yeeshay Caasimadda Dalka Kenya Ee Nairobi Dalalka Danneeyeyaasha Hanaanka Geeddi Socodka Dimuqraaddiyadda Iyo Doorashooyinka somaliland.

Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Kulankan Gaar Ah Ee Uu La Yeeshay Safiiradda Dalalka Reer Yurub Ee Fadhigooddu Yahay Dalka Kenya 🇰🇪, Gaar Ahaan Safaaradda Sweden, War-bixinno Kala Duwan Ka Siiyey Dalalka Beesha Caalamka Xaaladdaha Ugu Dambeeyey Ee JSL Ka Taagan Wakhti Xaadirkan, Gaar Dagaaladda Gobolka Sool Oo Uu La Waddaagay Werwerka Ka Xisbi Qaran Ahaan Ay Ka Qabaan, Dagaaladdan Oo Sababay Khasaare Baddan, Isla-markaana Galaaftay Nolosha Dad Baddan Oo Muwaadiniin Reer Somaliland Ah.

Dhanka Kale Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Dalalka Danneeyeyaasha Hanaanka Geeddi Socodka Dimuqraaddiyadda Iyo Doorashooyinka JSL, Waxay Kulankooddan Si Weyn Diiradda Ugu Saareen U Diyaargarowga Doorashadda Madaxtooyadda JSL. Iyaddoo Gaba-gabaddii Si Weyn La Isu La Afgartay Qoddobaddii Lagu Falanqeeyey Shirkan.Kulankan Dhanka Dr Cabdiraxmaan Cirro, Waxa Ku Wehelinnayey Ambassador Caydaruus Sheekh Aadan Safiirkii Hore Ee JSL U Fadhiyey Dalka Sweden.

Xigasho:_Qumannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here