Maxamuud Xaashi: Xil Guruuje waa in aanu hal seegin

0
959

Xildhibaan Axmed Guruuje waa in aanu hal seegin

W/Q Maxamuud Xaashi

Anigu aqoonta aan u leeyahay xildhibaan Axmed Guruuje, ma dhaafsiisna in aanu is magac iyo muuq naqaan. Hasayeeshee, waxaan aqoon xeel dheer u leeyahay xildhibaanka aabihii Yuusuf Nuur Guruuje. Yuusuf wuxuu ka mid ahaa saaxiibadii aanu isku safka ahayn, ee aanu ka wada tirsanayn golihii wakiilada jsl mudadii u dhaxaysay 1997-2005.
Yuusuf wuxuu ahaa nin lab, oo ay liidnimo ka dheer tahay. Wuxuu ahaa nin aan labac-labac aqoon, oo aan waligii laba canlayn, kaas oo aan siyaasadda ku noqon laangadhe iyo labeeb midna.
Sidoo kale waxaan aqoon igu filan u lahaa, abtigii mujaahid Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen Dheere). Kaas oo caan ku ahaa xishood, xaqdhawr, xilkasnimo, xaqsoor jacayl, xumaan nacayb, iyo dun xariira.

Haddaba, anigu maanta xildhibaanka iska amaani maayo, sabab aan eed ugu jeediyaana iiguma muuqato, balse Guruuje yare laba mid uun buu ka dhaxayn mustaqbalka, ama wuxuu noqon mid ku banaanaada ragii dhalay, ee aan ka waramay oo hido-raaca firkoodii fiicnaa, ama wuxuu noqon mid ka baydha, oo aan ceelalyadiisa lagu cabin. Maxaa ka run badan murtida Soomaaliyeed ee tidhaahda (Labaatan jir mudug jooga, alle uma xil qarin).
Siyaasadu waxay leedahay mabaadi, muqaal, mug, iyo mawaaqif la kala doorto maalmaha adag.
Siyaasadu waxay leedahay had iyo jeer, garabyo is haya, iyo aragtiyo isku lidi ah. Sidaa darteed, xildhibaan Axmed Guruuje waa in aanay seegin in aan siyaasadda, laba garab wada tirsan, laba geedna aan looga wada gacan haadin.

Aniga iyo Rag kalana waa in aan Hal seegin

Tani waa kaftanka iyo maadda maanta’e, waxaan leeyahay aniga iyo ragii aanu daruuf wadaagta ku ahayn halgankii qadhaadhaa, waxaanu maqli jirnay casharo laga bartay cimiladii lagu noolaa, iyo carigii lagu soo caano-maalay. Kuwaas oo lagu naanaysi jiray cilmiyada qaaxo (Qaxology). Haddaba, waxaan Leeyahay rag allow haadba haad kiciye, aniga iyo saaxiibaday waa in aanay na seegin, in aanu ogaano, in hab dhaqanka maakhirigu uu ka tab iyo xeeled badan yahay, habdhaqanadii Qaaxo ee aanu ku soo ababnay, abla-ablaynta afaraydiisa iyo irmaanta shaxdiisa oodan.

La soco gabo gabada taxanaha qormadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here