Mareeyaha Dekeddaha Somaliland Oo Ka Hadlay Doon Xoolo, Siday Oo Ku Degtay Biyaha Baabul-mandab &Khasaaraha Ka Dhashay

0
220
Doon Ku Degtay biyaha badda-cas

Berbera(Baraarugnews.net)-“Mareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi, ayaa ilahay uga beryay innuu khayr iyo wax wannaagsan ugu badel ganacsato dhibaato ka soo gaadhay doon xoolo ugu rarnayd oo ku degtay marinka baabul-Mandab,Isla markaana Mareeye Siciid ayaa ka hadlay halka ay doontu ka baxday ku degtay biyaha baabul-mandab.”Doonta SK Marwah oo xalay xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab. Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa. Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi. Sidoo kale waxa saarna doonta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah.”ayuu yidhi Mareeyaha dakadaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here