Mareeyaha dekeddaha Jamhuuriyada Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi Ayaa Fariin U Diray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Shacabka Somaliland

0
351
Mareeyaha dekeddaha Jmahuuriyada Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi Ayaa Fariin U Soo Diray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Shacabka Somaliland
Mareeyaha dekeddaha Jmahuuriyada Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi Ayaa Fariin U Soo Diray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Shacabka Somaliland

Berbera,(Baraarugnews.net)-Mareeyaha dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa dhambaal duco ah u soo diray guud ahaan shacabka Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi.
“Hambalyo Munaasibadda Ciidul-fidriga- 02/05/2022.
Waxaan halkan dhambaal hambalyo ah uga dirayaa Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil, Gollaha Wasiirada Xukuumadda JSL, Taliyayaasha Ciidamada Kala duwan ee Qarranka JSL, Golayaasha Qarranka JSL iyo Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Shaqaalaha Dekedda Berbera iyo kuwa Dekedaha JSL, Munaasibadda ciidal-fidriga awgeed.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii aynu bishii Ramadaan soo gudannay, Ilaahay dambi-dhaaf haynnooga dhigo acmaashii Wanaagsanayd ee aynu soo qabanay bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.
Rabbi sannadkan sannadkiisa iyo Bishan Bisheeda ha-innagu gaadhsiiyo barwaaqo, Nabad iyo badhaadhe.”Ayuu Yidhi Mareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here