Mareeyaha Dekedaha Somaliland Wuxuu Ku Talaabsadey Arrin Maanta u Keenaysa Dhacabka Reer Somalilan

0
142

Berbera-(baraarugtv)-Mareeyaha dekedaha iyo biyaha bada Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdillaahi’ayaa tan iyo intii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, u magacaabey Dekedaha Somaliland wuxuu casriyeyn si heer caalami ah ku sameeyay dekeda magaalada Berbera iyo dhanka adeekaba oo ah arrin guul weyn iyo farxad u ah shacabka reer somaliland horumarka balaadhan ee mareeyuhu ku soo kordhiyey dekeda magaalada Berbera.

.Balse waxyaabaha guulaha la taaban karo ee ugu weyn ayaa waxa keenay guul aad u balaadhan oo ah maanta xadhigga laga jaray dekedda cusub ee shidaalka iyo Gaasta Berbera oo ay ku rakiban yihiin dhuumo casri ah oo ku shubaya haamaha keydka Qaranka.Waxaan kala qayb-galay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Mareeyaha dekedaha iyo biyaha bada somaliland eng.Siciid Xasan Cabdillaahi.”Waxaan kala qayb-galay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii u hoggaaminaayay, xadhig ka jarka Dekedda cusub ee shidaalka iyo Gaasta (Oil Jetty) ee laga hirgeliyay gudaha Dekedda Berbera oo dhinaca badda ah.”ayuu yidhi mareeyaha dekedaha somaliland Siciid Xasan Cabdillashi.

Dhanka kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay dekeddan dhammayska tirani u leedahay qaranka, sida aqoonta loogu dabbaqay, kaalin mug lehna ka qaadanaysa, maraakiibta gaasta iyo shidaalka siddaana si fudud ugu shubi lahaayeen haamaha keydka ee Berbera, waxana uu yidhi, “Mashruucan waxa lagu keenay aqoon, badda iyo hawlaheeda, shidaalka iyo hawlihiisa haddii ay amnigiisa tahay iyo haddii ay tayadiisa tahayba, waxa in badan la raadinayey aqoontii, waxa se nasiib-wanaag ah in dad reer Somaliland ah oo aqoontaa lehi ay dedijiyeen inuu mashruucani inoo hirgalo.”

Dekeddan maanta xadhigga laga jaray, ayuu madaxweynuhu ku sifeeyey mid qaranku leeyahay oo ay manaafacaadsanayso cid kasta oo rabta inay shidaal iyo Gaas kasoo dejiso dekedda qaranka ee Berbera,“Waa deked shidaal oo qaranku leeyahay oo shirkad kastaaba isticmaalayso oo loo siman yahay, dawladduna maamulayso, si dadka dhex loogu ahaado, waxana aanu ka ilaalinay inaanu dalku yeelan inaanu dekedo badan yeesho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray goobaha lagu rakibay dhuumaha shidaalka iyo gaastu soo dhex marayso ee gudaha badda, isaga oo afaafka dekedda baddeecaduhu kasoo degaan ee Berbera-na salaam Sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here