Ujeedadda÷Wefti Isugu Jira Ganacsato Iyo Maalgashayaal Caalami Ah Oo Socdaal Ku Yimi Dekedda Berbera

0
359

Hargeysa,(baraarugnews.net)-Mareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa fahfaahin ka bixiyey wefti maalgashayaal caalami ah oo socdaal ku yimi dekeda magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Isla markaana mareeye Siciid Xassan, ayaa sharaxaad ka siiyey adeegyada ay bixiso dekeda Berbera. “Waxa aannu ku qaabilnay Dekedda magaalada Berbera, wefti isugu jira ganacsato iyo maalgashadayaal u dhashay Dalka Sucuudiga. weftigan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga JSL.
Faahfaahin baannu ka siinnay adeegyada kala duwan ee aannu bixinno Deked ahaan.”ayuu yidhi mareeyaha dekedaha dalka Somaliland Eng. Siciid Xassan Cabdillaahi. Haddaba weftigan isugu jira ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ayaa daba socda wufuud kala duwan oo bilooyinkii u dambeeyay socdaal ku imanayey Dekeda magaalada Berbera,isla markaana mareeyaha dekedaha dalka Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa bishan June labadeedii/2/6June/2022-ka goobta shaqadu ka socoto ee gudaha dekeda Berbera ku soo dhaweeyay wefti uu hogaaminayey Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Iswiidhan (Swenden),ku leeyahay dalka Kiiniya, Marwo Paula Kermfors,oo socdaal ku yimi dekeda magaalada Berbera.Halka,isla bishan Juun shanteedii/June/5/2022-ka wefti balaadhan oo ah Khubarro kala duwan oo isugu jira diblomaasiyiin, siyaasiyiin, aqoon-yahanno iyo sharci yaqaanno caalami ah, kuwaasoo ka kala socday todoba iyo toban waddan (17 dal),oo ku kala yaala qaaradahaYurub, Eeshiya, Afrika, Ustareeliya iyo Waqooyiga Ameerika ku qaabilay xafiiskiisa.Isagoo sharaxaad iyo macluumaad ka siiyey weftiyada kala duwan ee socdaalka ku yimi dekeda magaalada Berbera,dib-u-habaynta iyo casriyeynta xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku samaysay Dekedda Berbera adeega ay bixiyaan iyo dhinaca abniga ee dekedaha somaliland iyo mustaqbalka dhow hamiga hiigsanayso marsada dekeda Berbera.Balse maamulka,shaqaalaha ka hawlgala iyo habka ay adeega casriga ah u shaqaynayo dekeda Berbera,ayaa sababtay inay soo jiido wufuuda indhaha beesha caalamka ee mareeyaha dekedaha somaliland Eng.Siciid Xassan ku qaabilayey mudooyinkan dambe goobta shaqadu ka socotay ee dekeda berbera ,taasoo muujinaysa in ay weftigii mareeyaha dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xassan la kulmay bilowgii bishan aynu ku jirno ee Juun iyo bilihii ka dambeeyay-ba inay ku qanceen,lana dhaceen qaabka ay u shaqaynayso dekeda Berbera,shaqada iyo hawlaha xiiligan ka socda dekeda Berbera ay tahey mid soo dedejinaysa in hirdan mustaq-balka dhow ka bilaamo Dekeda Berbera oo weftiyada ku soo qulqulaaya dekedaha somaliland ee dawladaha ugu waa wayn adduunka waxay muujinaysaa bilowga tartan ka dhex-bilaama dawladdaha caalamka ugu waa weyn inay fooda isku daraan kala jiidashada dekeda berbera isbaaheysiga Dawladaha maraykanka,dalalka reer Galbeedka iyo waddamada bariga markaad eegto weftiyada dawladaha caalamka ka socda ee bilooyinkii u dambeeyay oo dhan iska soo daba dhacaaya ujeeda ka dambaysaa tahey xidhiidhka iyo fahanka aqooneed ee masuuliyiinta dekeda berebera gacanta ku haysaa wax weyn ka badeshay siyaasada suuqgaynta dekeda berbera horumarka weyn ee ka samaysay xukuumadda madaxweyne muuse Biixi Cabdi dekeda Berbera ayaa soo jiidanaaya dalal badan oo caalamka ka mid ah.https:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here