“Madaxweyne Muuse Biixi-yow dhulkiisii in awood iyo baawar ciidan lagaga qaado ayaa la doonayaa Caaqil Cali Cabdi Shire”.Ugaas Axmed

0
436

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-caaqil Cali Cabdi Shire,ayaa sadex iyo toban bilood (13 bilood),ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, “saddex iyo ban bilood ayuu ku xidhan yahey saldhiga dhexe ee Hargeysa caaqil cali cabdi shire. Wuxuu ku jiraa jeelka mudada intaas leeg.dhulkiisa oo astabta haleeya ku yaal,kana  dambeeya ee magaalada Hargeysa wuxuu haystaa sharcigiisii dhamaan kii dawlada hoose,hawlaha guud iyo dhamaan sharcigii dhulkiisa nooca uu yaheyba uu haystaa. Waxaan u sheegayaa Madaxweyne Muuse Biixi in dhulkiisii awood iyo baawar ciidan la doonayo in lagaga qaado dhulkiisii Caaqil Cali cabdi shire,markaas caaqilkaas waxa lagu dhex xidhay meel aad u xun oo dibjir, xabagle iyo khamriilayaasha ayaa lagu dhex xidhay Caaqil Cali cabdi shire.caaqilkaas oo aan la eegin xasanadii uu lahaa sida cadaalad darada ah ee uu u xidhan yahey. Madaxweyne muuse biixiyow waa qaylo dhaan ee caaqilka ka siidaa dulmiga uu u xidhan yahey.”sidaas waxa yidhi ugaaska guud ee Somaliland Axmed Saleebaan shide ugaas mahiigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here