Madaxweyne Muuse Biixi Ma Ka Dabaalan-karaa Aqoon Ahaan Duulaan Faragalin Siyaasaddeed Oo Dalka Shiinuhu (China), Ku Soo Qaado Somaliland?

0
374
Madaxweyne Muuse Biixi Ma Ka Dabaalan-karaa Aqoon Ahaan Duulaan Siyaasaddeed Oo Dalka Shiinuhu (China), Ku Soo Qaado Faragalin Somaliland?
Madaxweyne Muuse Biixi Ma Ka Dabaalan-karaa Aqoon Ahaan Duulaan Siyaasaddeed Oo Dalka Shiinuhu (China), Ku Soo Qaado Faragalin Somaliland?

China,(Baraarugnews.net)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian, ayaa ka jawaabay booqashada weftiga Somaliland ee socdaalka ku tegay dalka Taywan. “booqashada” wefdi ka socda Somaliland ay maalintii labaad ku jooganTaiwan, halkaas oo la filayo inay ku kala saxiixdeen heshiisyo horleh.

Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yirahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Zhao Lijian waxa uu sheegay in Taiwan ay “isku dayday in ay raadiso gooni-u-goosad balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale mabda’a in hal dal oo shiinaha ah uu jiro, waa xeer ka mid ah xiriirka caalamiga ah.”

Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin, .

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.

Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna uu ugaarsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.

Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.

Sannadkii 2020-kii ayay samaysteen xiriir xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka caroodeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xiriirka Taiwan ku tilmaamay “xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya”

BBC.

Shiinaha iyo Somaliland ayaa fiintu dhexmiranaysaa kadib markii Wafdi ka socda Somaliland si weyn loogu soo dhaweeyay Taiwan.

Taiwan oo Maraykanku mus-dambeed u yahay iyo Somaliland ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan sidii Somaliland loogu dhisi lahaa Ciidamo Badeed oo xooggan.

Taiwan ayaa hore Somaliland uga caawin jirtay dhinacyada Caafimaadka, waxbarashada, Beeraha, Kalluumaysiga iyo weliba dhawaan oo Arrimaha Shidaalkuna soo raacay.

Shiinaha ayaa dhawr goor oo hore wafdi u soo diray Somaliland si loogu qanciyo in ay ka laabtaan xidhiidhka Taiwan balse arrintaa Somaliland ayaa diiday.Balse xeel dheerayaasha falaqeeya siyaasada dalka Shiinaha ee geeska afrika, ayaa walaac xoogan ka  muujinaaya dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxa Somaliland iyo dalka shiinaha ay ka cabsi qabaan in muuse Biixi aqoon ahaan ka dabaalan-karin faragalin siyaasadeed innuu shiinihu ku sameeya Somaliland.

Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here