Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlat Wasiir Ka Tirsan Dawladdiisa Oo Al-shabaab La Shaqayn Jiray

0
183

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlat Wasiir Ka Tirsan Dawladdiisa Oo Al-shabaab La Shaqayn Jiray

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ah oo ka tirsanaa kooxda alshabaab, oo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay,isla markaana ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.

“Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska caalamiga ah The Guardian.
Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay in Roobow uu habab isgaarsiineed la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee Al-Shabaab, uuna ku dhiirrigelinayo in ay dhinac u kala wareegaan. Waxa uu intaa ku daray in tani ay qeyb ka tahay habka dawladiisa ay kaga hortagayso Alshabaab.
Mukhtaar Roobow ayaa ku adkeysanaya in muddo dheer uu khilaaf dhanka fikirka ah kala dhaxeeyay madaxda Alshabaab, islamarkaana uusan raali ka aheyn arxan darrada ay wadaan. Mar uu ka hadlayay sababta uu u go’aansaday in uu ka mid noqdo golaha wasiirada ee Soomaaliya, waxa uu tusaale u soo qaatay dhibaatada ay Al-Shabaab oo ku dhawaad 15 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here