Madaxweynaha dawladda Jabuuti oo xidhay wasiirkii labaad &xaalad khatar ah oo hadhaysay Jabuuti

0
582

Jabuuti,(baraatugnews.net)-Wasiirka wasaaradda shaqaalaha dawlada Jabuuti Cabdikariin Aadan, ayaa maanta uu xidhay madaxweyne ismaaciil cumar Geelle. Warku wuxuu intaa ku darayaa in amarka xadhiga ay amreen qoyska madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Balse wararka ka soo baxaaya dalka Jabuuti ayaa la sheegay in dad ka cadhaysan qaabka loola dhaqmay markii la qabanayey wasiir Cabdikariin ayaa dibad-bax ka dhigay goobta ciidamadu ka qabteen wasiirka,iyadoo la sheegay in ciidamada nabadgelyada jabuuti ayaa xidh-xidhay mudaharaadka samaynayey. Xadhiga Wasiirka shaqaalaha Cabdikariin ,ayaa ku soo beegmaaya shalay isna waxa la xidhay Wasiirkii Maaliyada ee dawladda Jabuuti,taliyihiin ciidanka booliska iyo xubno kale oo saraakiil ka tirsanaa maamulka Ismaaciil Cumar Geelle. Hase yeeshee,xaalada ka dhalatey isku daygii in qilaabkii la doonayey in lagu aggebiyo kali-taliyaha xooga ku haysta shacabka Jabuuti iyo kursiga madaxweynaha dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here