madaxwayne waxaa lagugu dhaariyay inaad masuul katahay ilaalinta diinta islaamka

0
387

W/Q Khadar Xuseen Cabdi xoghayaha Waddani
Marka wax diinteena, dhaqankeena, akhlaaqdeena iyo qiyamkeena ka soo hor jeeda la inoo sheego in laga wado goobo wax barasho oo wadankeena ku yaala. Waajibka koowaad ee ina saarani waa inaan hubino oo baadhno. Maaha inaan dafirno ama dad-kii arintaas ka hadlay xidhxidhno.

Mudane madaxwayne waxaa lagugu dhaariyay inaad masuul katahay ilaalinta diinta islaamka. Umad waliba waxay leedahay qiyam u gaara oo ay ilaashato, inaga qiyamkeena ay tahay inaan wada ilaalino waa diinta islaamka. Ma dafiri karno in macalinku ardayga uu wax u dhigaayo uu saamayn wayn ku leeyahay hab fikirkiisa iyo dhaqankiisaba. Waxaa waajib ah in xukumadu ildheer u yeelato wax kasta oo diinteena dhaawac u gaysan kara gaar ahaan waa in la baadho oo la hubiyo cid kasta oo aan caruurteena u ogolaanayno inay wax u dhigaan inay yihiin dad aan u socon arimo diimeed ama soo raris dhaqano aan diinteena iyo dhaqankeena ku banaanayn.

Arinta hada taagan waxaa haboon in madaxwaynuhu gudi madax banaan oo baadha u saaro si shacbigu u helo kalsooni buuxda inay xukumado ilaalinayso diinteena iyo dhaqankeenaba. Coldoona waa ina ama la sii daayo ama danbiga loo haysto maxkamad si degdeg ah loogu geeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here