Shirkadda Dahabshiil Group Ma Indhihii Shacabka Soomaaliyeed-baa Mise Dhiiga Ayey Ka Jaqdaa?

0
252
Cabdirashiid Dahabshiil magaalada Muqdisho

Shirkadda Dahabshiil Group Ma Indhihii Shacabka Soomaaliyeed-baa Mise Dhiiga Ayey Ka Jaqdaa?Cabdirashiid Dahabshiil magaalada Muqdisho

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Socdaalka Booqashada Maamulaha guud ee shirkaddaha Dahabshiil Guruub Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil, Muxuu muujinayaa Sawirka muujinaaya booqashada goobaha kala duwan ee suqyadda ganacsiga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.Isla markaana socdaalka uu ugu guur-galayey duruufaha iyo xaaladaha ku sugan yihiin dadka, sida maxaliga ah maalin kasta uga ganacsada ama ganacsatada dabaqadaha hoose ah ee magaalada Muqdisho, ayaa soo jiitay, kuna soo jeediyey indhaha bulshada ganacsatada shirkaddaha kabaniyada beesha caalamka iyo kuwa ku nool qaaradda geeska Afrika. Cabdirashiid Dahabshiil magaalada Muqdisho

Inkastoo bulshadda ku nool adduunyadda guudkeeda,sida farahaagu u sinayn  oo kale, aqoon iyo garashaba habka fekerkoodu u kala duwan yahay waxa laga yabaa in qaar u arkaan qoraalkan kooban aan dulka xaadiyey aan yara-tabtaabtay sawirka maamulaha Shirkaddaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ee suuqa inta badan ku ganacsadaan dadka danyarta ah ee magaalada Muqdisho in bunbuunin ama xayeysiis u samaynayo shirkadda, laakiin ma jirto cid ii diratey garashada caqligayga ayaa i siiyey ama igu qasbay in aan wax yar ka iftiimiyo macnaha uu xabaarsan yahay iyo mihiimada uu u leeyahay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku dhaqan koonfurta soomaaliya ee la daala-dhacaysa daruufaha kala duwan dhanka nololsha maanta.

Socdaalka Cabdirashiid Dahabshiil  suuqyada inta badan bulshadu ku badan tahay  magaalo madaxda soomaaliya ee Muqdisho, faa,iido weyn ayuu u lahaa wakhti xaadirkan shacabka koonfurta soomaaliya, sababtoo ah dunida qof ganacsade weyn oo kabani ah adduunyada caalamka oo dhana caan ka ah meel wakhtiyo badan laga soo dabinayey warbaahinta dunida dagaalo iyo qaraxyo boqolaal qof galaaftay, cabsina ku abuuray ummadda aduunka,balse sawirka maamulaha guush ee shirkadda dahabshiil ayaa meesha ka saaray cabsi ah inay ka jirto muqdisho markii uu maanta si xor ah oo xitaa cid ilaalinaysa oo askar ah wadan dhex-lugeeyay suuqyada ganacsiga ama goobaha bulshadu isugu timaado ee caasimadda soomaaliya e emuqdisho.

Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa faa,iidada kale ee uu indhacaha bulshada caalamka iyo kabaniyadda waa weyn ee ka ganacsada adduunyada u gudbiyey macluumaad ah muujinaaya isbadelka weyn ee ka jira magaalada muqdisho, isla markaana waxa uu la kulmay hooyooyin iyo dad badan oo danyar ah kuwaasoo uu ka waraystay  xaalada noloshooda,kaasoo dareen naxariis leh waji furan ku qaabilay dadkii ku sugnaa goobaha uu booqashada u tagey.

shirkadda Dahabshiil guruub waa shirkad boqolaal qof oo dan-yar ah,kana soo jeeda deegaan kasta oo bulshada soomaaliyeed ku nooshahay ayay caawisay,isla markaana waxa lagu tilmaami karaa Shirkadda dahabshiil astaanta Indhaha shacabka soomaaliyeed. markaa mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil guruub  Xaaji Maxamed Siciid Ducaale ayaa ah shakhsi u roon danyarta soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaynu ku tilmaami karnaa Shirkadda Dahabshiil Guruub inay mid gargaarta dadka Jilicsan, kana qayb qaadato horumarka bulshada soomaaliyeed, isla markaana waxat gacansiisaa,caawisaana boqolaal dhalinyarada soomaaliyeed ee ka soo baxaysa jaamacada kala duwan ee dhulka soomaalida sanad kasta ka qalin jabinayey ayey shaqo abuur u samaysaa, halka ay qaarna maal-galin lacageed ugu deeqdo si ay ganacsi ugu samaystaan. Dahabshiil kama shaqaysato, mana jaqdo dhiiga shacabka ee waxay kor u qadaa nolosha shacabka.Dahabshiil wuxuu abaal ku leeyahay shacabka soomaaliyeed.HaALKAN HOOSE WAXA IDINKA MUUQDA SAWIRKA cABDIRASHIID mAXAMED dUCAALE dAHABSHIIL OO DHEXTAAGAN QAAR KA MID AH BULSHADA DAHABSHIIL HOOYOOYIN MAGAALADA mUQDISHO.Cabdirashiid Dahabshiil magaalada MuqdishoHase yeeshee, Booqashada Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group ee magaalada Muqdisho Cabdirashiid Dahabshiil ee magaalada Muqdisho ugu tagay ganacsatada #isgooyska Zoobe ee kasoo kabanaya waxyeeladii ku dhacday. Ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa muhiim u ah dib u soo kabashada si la mid ah #maalgashiga qurbajoogta & kaalmada caalamiga ah, gaar ahaan xiliga abaaraha. Dahab Tower @Dahabshiil @somtel waxay sii wadi doonaan taageeradooda.

W/Q Cabdifataax ismaaciil Caarshe

E-mail:  Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here