Maamul-goboleedyadda Beesha daarood Ee Puntland Iyo Jubbaland Kuma Faraxsana In Al-shabaab Laga Tirtiro Soomaaliya Argagixisadda Al-shabaab

0
264
Maamul-goboleedyadda Beesha daarood Ee Puntland Iyo Jubbaland Kuma Faraxsana In Al-shabaab Laga Tirtiro Soomaaliya Argagixisadda Al-shabaab &Dhirbaaxo Mar Kale Ku Dhacday Siciid Deni
Maamul-goboleedyadda Beesha daarood Ee Puntland Iyo Jubbaland Kuma Faraxsana In Al-shabaab Laga Tirtiro Soomaaliya Argagixisadda Al-shabaab &Dhirbaaxo Mar Kale Ku Dhacday Siciid Deni

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Maamul-goboleedyadda Beesha Daarood ee dawladda faderaalka Soomaaliya, ayaa dagaal hoose kula jira Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana madaxweynayeyaasha maamuladda Puntland iyo Jubaland Deni iyo iyo Axmed Madoowe ayaa la sheegay in ay ku faraxsanayn in soomaaliya laga tirtiro kooxda argagixisadda Alshabaab.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa, xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kadib markii ay magacaabeen taliyaha cusub ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Golaha ayaa xilkan u magacaabay General Sulub Axmed Firin oo horey u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka,Isla markaana ka soo jeedo dhanka Jubbaland. Arrinta sii hurineysa xiisadda ka dhexeysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni ayaa ah in ninkii labaad oo Jubbaland ka soo jeeda maanta xil sare looga magacaabay dowladda federaalka, ayada ay xusid mudan tahay in Puntland ay horay uga biyo diiday magacaabista Ra’iisul wasaare Xamza oo isna kasoo jeedo dhanka Jubbaland.
Tani ayaa sidoo kale muujineyso in fursadaha ugu badan uu madaxweynuhu siiyay Jubbaland, oo mar xulafo dhow la heyd Puntland, walow haatan ay kala tageen.Tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday madaxwenaha Soomaaliya oo aheyd magacaabista ra’iisul wasaaraha, ka gadaal dib u doorshadiisii 15-kii May ee sanadkii hore ayaa xudun u noqotay in uu Deni ka baxo xeyndaabkiisa, isla-markaana uu galo difaac siyaasadeed.Deni ayaa wixii markaas ka dambeeyey caro kala dul dhacay dowladda federaalka, isaga oo lasoo baxay dhaqan siyaasadeed u muuqda dagaal toos ah. Dowladda ayaa kadib xilal dhowr ah balse aan weyneyn siisay Puntland.
Office E-mail: Xafiiska baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here