Maalmaha U Hadhsan Madaxweyne Biixi & Hawlaha Culus ee Horyaalla

0
469

460 Maalmood U Hadhsan Madaxweyne Muuse Biixi, Hawlaha Culus ee Horyaalla, Duruufaha ku gedaaman iyo qaabka uu u wajaho oo tijaabo weyn ku ah Siyaasaddiisa Mustaqbalka
■■■■

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo xilkiisu ku sii siqayaa dhammaad, isaga oo soo qaatay inta badan wakhtigiisii 5-ta sanno ahaa ee la doortay.

460 maalmood, ayaa u hadhsan Madaxweyne Biixi, muddada sharciga ah ee la doortay, iyada oo muddada hadhsan iyo hawlaha culus ee horyaalla la saadaalinayo in ay keeni karo in muddo kordhin loo sameeyey, inkasta oo muddo kordhintaasi lafteedu caqabado horyaallaan.

Sannadka soo socda ee 2022-ka iyo afarta bilood iyo dheeraadka ka hadhsan sannadkan 2021-ka, ayaa la filan karaa in ay Somaliland u noqon dooraan xilliyo ay soo wajahan yihiin khilaafyo siyaasaddeed iyo Mucaaradad adag oo dhex mari doona Muxaafidka iyo Mucaaradka.

Hawlahan culus ee horyaalla madaxweyne Muuse Biixi, inta ka hadhsan muddo xilkeedkiisa, ayaa ah mid loo qaybin karo laba qaybtood oo mid hor ay tahay mid ku saabsan Xukuumaddiisa iyo Xisbiga Kulmiye, halka qaybta labaadna tahay mid ka balaadhan oo saameynaysa qaranka, Xisbiyada iyo Goleyaasha qaranka qaarkood.

Hawlaha horyaalla Madaxweyne Muuse Biixi, ee dhinaca Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa, ayaa ah;

■Isku shaadheynta la filayo inuu sameeyo

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isku shaandhayn, Magacaabis, isku beddel iyo shaqonka erin sameeyo, si uu boodhka uga tumo Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa oo aanay sannadkan u ahayn mid u wacan, madaama oo ay guul darro ka soo hooyeen doorashadii isku sidkanayd ee Wakiillada iyo Deegaanka, taas oo u horseeday in ay lumiyaan kuraas badan oo Golaha Wakiillada ah, Shir-guddoonkii golahaasi iyo weliba Maayarrada Magaalooyinka waaweyn.

Madaxweyne Biixi, oo dadka siyaasaddiisa dhaliilaa, ay tilmaamaan in aanu ku dhiiran inuu sameeyo isku shaandhaynto saameyn leh, ayaa doorkan la sugayaa qaabka uu wax uga beddelo xukuumaddiisa, madaama oo fashilka doorashada ka soo gaadhay loo sibir-saarayo fadhiidnimada qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo ku fashilmay in ay Xisbiga kala shaqeeyaan inuu kuraas badan helo.

Isu shaandheyntan, ayaa la filayaa in ay galaafato Wasiirro, Kuxigeenno, Agaasimeyaal guud iyo qaar ka mid ah Maareeyeyaasha Hay’addaha qaarkood.

Isku shaandhayntan, ayaa la sheegay inuu madaxweynuhu ku doonayo inuu ku soo daro Xukuumaddiisa xubno cusub oo saameyn leh oo dhisi kara kalsoonida Xukuumadda iyo deegaannada Somaliland, kuwaas oo qaarkood ka mid ahaayeen Xukuumaddii Siillaanyo iyo xubno aqoonyahanno ah.

■Xisbiga Kulmiye

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa hawlaha culus ee horyaalla, waxa ka mid ah mustaqbalka Xisbiga kulmiye, waxa uu ka yeelayo iyo inuu dib u qaabayn ku sameeyo.

19 sanno ka dib Kulmiye, ayaa markii u horreysay ku guul daraystay doorashadii u dambaysay, taas oo keentay inuu faro madhnaan ka joogo shirguddoonka wakiillada iyo Mayaarada iyo kuxigeennada Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Laascaanood.

Arrintan, ayaa la filayaa in ay ku dhaliso Guddoomiyaha Xisbiga, inuu wax iska weydiiyo mustaqbalka Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay, madaama oo ay Somaliland ku soo wajahan yihiin doorashooyinkii Madaxtooyada, guurtida iyo tii ururrada Siyaasadduba.

Tallaabooyinka uu qaadi karo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa ka mid ah inuu Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye wareejiyo iyo inuu dib u eegis ku sameeyo Hoggaanka Xisbiga.

Qaybta Labaad hawlaha cusub ee horyaalla Madaxweyne Muuse Biixi 2022

■ Furista Ururrada Siyaasadda

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxyaabaha hor yaallaa waxa ka mid ah furista Ururrada Siyaasadda, oo hore xeerka fududaynaya ay u ansixiyeen golihii Wakiillada ee hore iyo golaha guurtidu, isla markaana loo gudbiyey Madaxweyne Biixi. inkasta oo aanu saxeexa Xeerkan wareegto ku soo saarin, haddana sida uu hore u sheegay Xildhibaan hore Cali Barre oo ka mid ahaa Mudenayaashii hore ee Golaha Wakiillada, madaxweynaha ayaa saxeexay, sida uu sheegay.

Sidoo kale, xeerkan oo muddadii ay ahayd inuu saxeexo madaxweynuhu in badan horyaallay ayaa sharcigu dhigayaa inuu dhaqan gal noqon doono, haddii wakhtiga sharcigu siiyey inuu ku saxeexo madaxweynuhu ku saxeexi waayo amma uu dib ugu celi waayo golaha Wakiillada.

Xisbiyadan jira ee Kulmiye, Waddani, UCID, ayaa rusqadooda Xisbinimo, waxa ay dhacaysaa dabayaaqada sannadka soo socda, balse xeerkan cusub ee Goleyaashu ansixiyeen, ayaa waxa uu dhigayaa in la qabto doorasho toos ah oo Ururrada lagu soo dooranayo lix bilood ka hor wakhtiga sharciyadoodu dhacayso.

Arrintan, ayaa la cabsi qabaa in ay abuuro khilaaf siyaasi ah, madaama oo ay Xisbiyada Mucaaradku u arkaan in ay tahay mid lagu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweynaha, madaama oo marka imika la eego wakhtiga uu dhacayo ruqsada Xisbiyada uu ka dambeeyi wakhtiga doorashada madaxtooyada ee 2022-ka.

Waxa kale oo ku gedaaman arrintan duruufo ay ka mid yihiin doorashada Golaha Guurtida oo ku beegan wakhtiga Xeerka furista Ururradu dhigayo in la qabto diiwaan gelinta ururrada cusub.
Sidoo kale, caqabada jirta ayaa noqon kara dhaqaalaha ku bixi kara hawlaha furista ururrada siyaasadda.

■Doorashada Golaha Guurtida

Madaxweyne Muuse Biixi oo ammaan ka helay qabashadii doorashadii Wakiillada iyo Deegaanka ee isku sidkanayd iyo weliba bixinta dhaqaalihii ku baxay iyo qaabkii xorta iyo xalaasha ahayd ee ay u dhacday, ayaa mar kale waxa horyaalla inuu qabto doorashada Golaha guurtida oo aan hore dalka looga qaban.

Qaabka ay ku iman doonaan golaha guurtidu, ayaa noqon doona dooddaha ugu xasaasan ee ay Somaliland wejihi doono sannadka soo socda.

Inkasta oo aanu jirin xeer imika jira oo lagu soo dooranayo Golaha Guurtida, haddana waa arrimaha ugu culus ee caqabad ku ah qabsoomida doorashadaasi.

Golaha Wakiillada ee cusub, ayaa la filayaa in waxyaabaha ay qaban doonaan in ay ka mid tahay samaynta xeerka lagu dooranayo amma lagu xulanayo Golaha Guurtida Somaliland.

■ Doorashada Madaxtooyada

Madaxweyne Muuse Biixi, tijaabada ugu adag ee hortaalla, ayaa noqon doonta qabashada doorashada Madaxtooyada, iyada oo si gaar ah isha loogu hayo inuu noqon doono Madaxweynihii u horreeyey ee la doortay ee wakhtigiisii rasmiga ahaa ku qabto doorasho, isla markaana aan samaysan wax muddo kordhin ah.

460 maalmood oo u hadhsan Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxyaabaha horyaalla ay ka mid tahay qabashada doorashadan, oo ah mid ay Mucaaradku doonayaan in wakhtigeeda la qabto, iyaga oo dhiiri gelin ka helay doorashadii isku sidkanayd ee u dambaysay.

Doorashada Madaxweynaha oo wakhtigeeda ku dhici wayda amma muddo kordhin la sameeyo, ayaa la saadaalinayaa in ay keeno karto khilaaf siyaasaddeed oo dalka ka dhaca sannadka dambe.

Waxa Qoray: Saleeban Saxansaxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here