Xogo Ku Saabsan Isku Shaandhaynta Madaxweyne Biixi

0
3689

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Axmed , ayaa la filayaa inuu xilka qaadis iyo isku beddel ku sameeyo xubno kamid ah golaha Xukuumaddiisa.

Xogo Wargeyska Waaberi ka helay ilo ku dhow-dhow qasriga dalka looga arrimiyo, ayaa tibaaxay in xubnaha xilkooda waayi doona ay kamid yihiin,Wasiirro,Wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimayaal Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’addaha Dawladda qaarkood.

Waxa kale oo ay xoguhu intaa ku dareen in Madaxweyne Biixi uu xilal ka bannaan Xukuumaddiisa uu buuxin doonno,kuwaas oo ay ugu waa weyn yihiin xilka Wasiirka Wasaaradda arrimaha debadda iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo bannaan muddo ku dhaw toddoba bilood.
9 Qodob Oo Lagula taliyay Madaxweyne Biixi Inuu Isku shaandhaynta ku saleeyo
Geesta kale, Wararka arrimahan la xidhiidha waxay daboolka ka qaaddeen Madaxweyne Biixi in isku shaandhaynta uu ku samaynayo Xukuumadiisa ay tahay mid sal ballaadhan,isla markaana ay gallaafan doonto masuuliyiin badan, waxaana la sheegay in Golihiisa Wasiirrada uu ka soo reebi doonno saddex wasiir oo keliya,kuwaas oo lagu kale sheegay Wasiir Maxamed Kaahin , Wasiir Siciid Sulub iyo Wasiir Saajin,Hase-yeeshee waxay dhacdadani kala cadaan doontaa Maalmaha soo socda
Prof Buubaa “Waxay muujinaysa in aanu Kulmiye cago ku taagnayn.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay isku shaandhaynta la filayo inuu Madaxweyne Biixi uu ku sameeyo Xukuumaddiisa ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu soo magacaabo masuuliyiin xul ah “Madaxweynuhu waxa la leeyahay is beddel ayuu samaynayaaye ,waxa aan leeyahay Madaxqweyne kudaafaddii ha ka soo gurrane meel nadiifa ka soo qaado ayaanu ku leenahay .”ayuu yidhi Faysal
Hinda “Laba Jeer ayuu Madaxweynuhu Beeshayda Wada hadal..”
@ Wargeyska Waaberi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here