“Gobolkii laascaanood Reer somaliland-now Muuse Biixi Ma Wuxuu Inoogu Bedelay Gabiley?

0
44
madaxweyneyaasha u sharraxani waa qolo aynu hore u wada ciyaarnay oo aynu aad isu naqaan, koox cusub oo tolo maxay yeeli doonaan la leeyahay ma aha,
madaxweyneyaasha u sharraxani waa qolo aynu hore u wada ciyaarnay oo aynu aad isu naqaan, koox cusub oo tolo maxay yeeli doonaan la leeyahay ma aha,

Waala Qaadan Karaa Qaladkii Dhacay 1993 Aanu Saxno Balse Mid Labaad Ayaanu Samaynaynaa Macquul Ilama Aha Siyaasi.

Ma Adiga Xidhikara Xidigiskii Adeerkaa ina cihaal Mise Xiisad Beeniyo Khiyaali Baadwadaa ilaa Meereyso ( Cod) lagu doonaayo. Oo Lagu Xamaasho Doorasho ???
GOBOLNIMADA Gabiley waa xarin abuuri kartaa xisaad dagaal oo hor leh sababtoo ah. Somaliland jiritaankeedii baa la isku hayaa oo lascaanood baa maqan. Muuse biixi haddii uu leeyahay, Gobolkii laascaanood waxaan somaliland-now noogu bedeley gabiiley somalilandnaa laascaanood ha ka samirtoo. Waa dagaal kale oo somaliland muuse biixi geliyey. Dadkoo la isku diro, Dagaal la huriyo mooyane dalkan taariikh kale kuma lahid gobolnimada Gabileyna somaliland bay u taalaa adigu shakhsi uun baad ka tahay.

Hore Waxaan Ugu Sheegay Caruuraha Isaaqa In Dadka Darafyadu Tabanayaan Sadbursiimo Saami iyo Somaliland Noqotay Bakhaar Reer Isaaq U Furan

Maalin Dhawyd Uun Ayay Ahayd Markaan Dr Cabdiraxmaan Cirro Lahaa Haku Dhicin Dabin Siyaasadeed Oo Dawliskiisu Dheer Yahay.

Aragtidayda Gabilay Shuruudaha Gobolnimo Ma Buuxin Karto Kumana Aha Munaasib Xiligani Hadaad Ku Farxayso Iyo Hadaad ka Naxayso 2 Laba Mar Mooyaane.

1. Halka Mar Waa Mar Hadii Aynu Diiqaynayno Dawladnimadii Iyo Madaxbanaanidii Mar Kale Oo Reerka Habarawal Rabaan Inay sad Bursiimo Kaga Helaan Somalia, Iyo Nidaamka Maamul Goboladeeda Balse Wixii Kaleba Waxay Ku Tahay Boog , Hadaan Indhaha La Iska Ridaynin.

2. Hadii Sidii Madaxweyne Cigaal Habarjeclo Iyo Sacad Muuse Uu Ugala dagaalamay Inay Deegaanadooda Xeebta Manaafacadsadaan Amba Horumariyaan Oo Hadeer Madaxweyne Biixi Sidiiyoo Kale Cid Kale Duulimaad Siyaasadaysan Lagu Yahay Lana Faruurayo Faramo Lagu Faa,iidi Doono Mustaqbalka.

Axsaabta Kale Sadbursiimo Doon Cod Moyaane Ma Jiro Aragti siyaasadeed Oo Ku Salaysan Gobolnimada, Sidoodabana Gobaladii Waawaynaa Ayaa Xarumahoodii Yihiin Goobo Laga Shiixo Oo Aan Shaqo Ka Jirin Marka Xaqiiqada La Isu Tusmaynayo.

La Soco……

Falsafada ka dambaysa la soco..