“Goboladda Badhan, Saraar, Buuhoodle, Oodwayne, Hawd, Gabiley Iyo Salal Ansixintoodu Way Isku Xidhan Tahay.Waana…”

0
202

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Raambow oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland,waxaanuu yidhi.“Iyada oo laga shidaal qaadanayo dastuurka Somaliland, Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka iyo doonista shacabka waxa muhiim ah in la is xasuusiyo in gobolada isku wakhtiga la wada magaacabay ee Badhan, Saraar, Buuhoodle, Oodwayne, Hawd, Gabiley iyo Salal inay meel wada marayaan oo ansixintoodu ay isku xidhan tahay, waana isku wakhti, isku xeer iyo isku duruuf oo ma jirto sabab loo kala fadilo.

Soo jeedinta wasaarada arrimaha gudaha, ee ay golaha wasiiraduna ansixiyeen waxay wiiqaysaa oo ay waxyeelo ku tahay wada jirka bulshada, waana go’aan deg deg badani ka muuqdo oo u baahan in golaha wakiilada JSL saxo oo cadaalada la waafajiyo.”