U-jeeddada÷Kulan Dhex-maray Wefti Dawladda Holland Iyo Maamulaha Guud Ee Shirkadda Dahabshiil

0
197

Hargeysa,(Baraarugtv.com)- ujeeddada kulan dhex-marey maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Guruub Cabdirashiid Ducaale iyo Wefti ka socday Dawladda Holland,Isla markaana maamulaha shirkadda Dahabshiil  ay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan ganacsatadda Soomaalida.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray doorka ay ganacsatda soomalidu ka qaadato mashaariicda horumarinta iyo wax yaabaha kale ee muhiimka oo laga wada shaqayn karo.Isla markaana maamulaha Shirkadda Dahabshiil iyo weftiga Dawladda Holland,ayaa isla qaatey in iminka,iyo mustaq-balkaba kaalin weyn ka geysan karaan dhamaan ganacsatada,dowladdaha iyo ha’yaddaha caalamku, si loo xoojiyo shaqo abuurka iyo horumarka bulshada.

Dhinaca kale,weftiga ka socday Dawladda Holland,ayaa aad u soo dhaweeyay talooyinka uu soo jeediyey Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid, dhanka horumarineed ee bulshada iyo siddii gacan loo siin lahaa ganacsatada Soomaalida.

#SomaliBusiness #Netherlands #BusinessGrowth #DahabshiilGroup #EconomicDevelopment #GlobalTrade