khilaaf ka dhex-qarxay Sucuudiga Iyo Lubnaan

0
451

 Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii u yeertay diblomaasiyiinteeda Beirut ayada oo “garab istaag” u muujineysa Sacuudi Carabiya kadib markii wasiir reer Lubnaan ah uu cambaareeyey howlgalka Riyadh ay hoggaamiso ee Yemen.

Murankan, oo sidoo kale dhaliyey in Sacuudiga ay mamnuucaan badeecadaha looga soo dhoofiyo Lubnaan, iyo in Kuwait iyo Bahrain ay u yeertaan safiiradooda, ayaa dhabarjab weyn ku ah dal markii horeba wajahayey burbur dhaqaale.

Lubnaan ayaa isku haleyneysay kaalmo maaliyadeed oo ay ka hesho dalalka Khaliijka si ay u badbaadiso dhaqaalaheeda.

“Imaaraadka Carabta waxay ku dhowaaqeysa lasoo bixitaanka diblomaasiyiinteeda Lubnaan si ay taageero ugu muujiso dowlad aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kadib hadalkii aan la aqbali karin ee saraakiisha Lubnaan ee ku wajahnaa Sacuudi Carabiya,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Muwaadiniinta Imaaraadka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u safraan Lubnaan.

Xiisaddan ayaa qaraxday markii Sacuudiga ay u yeerteen safiirkooda Lubnaan, kuna amreen kan Lubnaan inuu dalka uga baxo 48 saac gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here