Khasaaraha Dhimasho Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag

0
114

Ceerigaabo(BaraarugTV.com)- shaqaaqadii Galabta ka dhacday degaanka Durdur ee duleedka Ceerigaabo, kaas oo ku dhexmartay labada beelood Ba Sambuur iyo Cabdalle Xaamud oo sababtay khasaara hal dhimasho ah iyo laba dhaawaca ayaa caawa waxaa halkaasi ka socda abaabul hub uruursi ay labada dhinacba ku hawlanyahay.

Isku dhaca labada dhinac ayaa salka ku haya Jaadka Miirooga ee Ganacsatada Huwantu leedahay oo markii hore gacanta labaad ku siin jirtay Qaadwaleyaasha Muse Ismaacil, kuwaas oo markii dambe la macaamilay qaadwaleyaasha ku abtirsada Beesha Biciide.

Ilaa hada oo ay isku hub uruursanayaan ma jirto wax gurmad ah oo kala dhexgalay iyo mid qorshaysan toona.

Sakariye Nuur Saajin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here