jacaylka hantaaqadiisa dhibkiyo hagardaamadiisa

0
599
jacaylka hantaaqadiisa dhibkiyo hagardaamadiisa
jacaylka hantaaqadiisa dhibkiyo hagardaamadiisa

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-jacaylka hantaaqadiisa
dhibkiyo hagardaamadiisa
hafeeftiyo nabaradiisa
hiirtaanyada oohintiisa
xanuunkiyo haarihiisa
caloolyawigiyo huqdiisa
cakuda iyo hoogaydiisa
hilawgiyo baahidiisa
mudaad la habawsanayde
nafyahay loo hiilin waayay
kasoo kabo hawlihiisa
Wax kaa tagay haybintiisa
habeen walba raadintiisa
in badan ku haddaaqistiisa
halaanhal baxnaanintiisa
hubsiimo ku day-daygiisa
xasuus ku hillaadintiisa
waxaan la helayn sidiisa
adoo hamigaa ku dhaafa
ayaa ka hagaagsan maanta
Qof kaad haasaawihiisa
hawraatiyo sheekadiisa
u baahnayd hadaladiisa
haddu ku hagraday dhankiisa
Maxaa kuu sudhay hogaanka
ku baday hanfigiyo kulaylka
maxaad ugu huri qudhaada
ruuxaan isba kuu hibaynin.!!
Abwaan sax ah
Maxaa yaab isdabayaal.Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com
Waxa qoray Wariye Abdulkadir Mohamed Dulyar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here