Jabhad Laga Dhex-sameeyay Gudaha Somaliland &Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Hanjabtay Inay Dagaal ku Qaadayso Jabhada

0
285
Jabhad Laga Dhex-sameeyay Gudaha Somaliland &Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Hanjabtay In ay Dagaal ku Qaadayso Jabhada
Jabhad Laga Dhex-sameeyay Gudaha Somaliland &Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Hanjabtay In ay Dagaal ku Qaadayso Jabhada

Buuhoodle,(Baraarugnews.net)-Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ka digay jabhad laga sameeyay deegaanka Magaalada Buuhoodle, Isla markaana wuxuu sheegay in Jabhad lagu magacaabo SSC oo uu hogaamiyo nin uu magaciisa ku sheegay in la yidhaahdo Cabdirashiid Madoobe uu hogaamiyo jabhada SSC, oo ciidan urursi ka wada deegaanada hoosyimaada degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Wasiirka Ciyaaraha Xukuumadda Muuse Biixi Qambi waxaanuu yidhi. “Ninkan oo maalin walba  fitnada sii kordhiya, oo maalin-ba 50 inan meel soo taaga oo kala bad badala oo sheega in uu ciidamado badan haysto iyo in uu balayo haysto. saddex arrin ayuu sheegay innuu qabsanayo magaalada Buuhoodle  ilbidhiqsi ay ku tahay. Dad-na ku dhimanayo, innuu Somaliland weerarayo iyo mida saddexaad oo ah in uu Isimada deegaanka ka haysto ogolaansho.”

Wasiirku wuxuu intaa sii raaciyey hadalkiisa oo uu yidhi. “Qaadicu dariiq dhuumanaaya, adiga oo ah wax-ba kolba jid saddex qof iyo afar qof ha taagin, oo kolba dad deegaanka u dhashay oo dadka ugu caansan ah gaadhiga ka soo dag ha odhan. Somaliland hadad irbad u gaysato walaahey in anay xadka kaaga hadhayn.Somaliland bulshada deeganka dagta ee reer Buuhoodle waxan cidi kula gorgor tamin ah in ay nabadeeda ilaaliso.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here