Cabsi Weyn Oo Laga Qabo In Mar Kale Dib-u-dhacdo Doorashada Madaxtooyada Soomaaliya &Digniinta Ha’yadda IMF

0
292
Cabsi Weyn Oo Laga Qabo In Mar Kale Dib-u-dhacdo Doorashada Madaxtooyada Soomaaliya &Digniinta Ha’yadda IMF
Cabsi Weyn Oo Laga Qabo In Mar Kale Dib-u-dhacdo Doorashada Madaxtooyada Soomaaliya &Digniinta Ha’yadda IMF

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Doorashada Madaxtooyada Iyo Shir-gudoonka Labada Aqalka Ee Soomaaliya, ayaa wel-wel cabsi ah laga muujiyey inay qabsoonto xiligii loo asteeyay.

Wasiirka maaliyadda dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa qiray in dib-u-dhaca ku yimid doorashada madaxtooyada Soomaaliya ay caqabad weyn ku tahay dalka Soomaaliya. Wasiir Beyle oo wareysi siiyay wargeyska The Africa Report, ayaa sheegay Soomaaliya inay gaadhi karto isku filnaansho, laakiin ay hortaagan yihiin siyaasad aan degganayn iyo khataro amni oo joogto ah.
“Soomaaliya waxay leedahay arrimaheeda iyo dhibaatooyinkeeda. Dabcan, waa waddan jilicsan, wax walbana way dhici karaan. Laakiin waxaan qabaa, inaan dhammaanteen isku raacsannahay in doorashadu gabagabo tahay. Xaqiiqda ah in doorashada baarlamaanka ay “96% dhammaatay” waxay la macno tahay in wejigii koowaad ee doorashada madaxweynaha uu soo dhawaaday,” ayuu yidhi Wasiir Beyle.
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF, ayaa dhowaan sheegtay, in taageerada maaliyaddeed ee uu bankiga adduunku siiyo Soomaaliya iyo dayn cafinta ay ku joogsan karaan saddex bilood gudahood haddii ay timaado dib u dhac cusub oo ku yimaada doorashada Soomaaliya.
Doorashada Soomaaliya oo ay hadda gabagabo marayso dhameystirka kuraasta xildhibaannada aqalka hoose, weli lama oga goorta la qabanayo doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here