Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Liiska Magacyada Baarlamaanka Cusub Ee Muqdisho &Fahad Yaasiin Oo La Raabsadey

0
302

Muqdisho,(Baraarugne)-Liiska magacyada Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa caawa lagu dhawaaqay.Isla markaana Guddiga doorashooyinka ayaa caawa birta dhaafiyey Fahad yaasiin Xaaji Daahir.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dad-ban ee FEIT ee Soomaaliya, ayaa caawa ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas lagu soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir.Isla markaana waxa laga reebay liiska Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hore u ahaa taliyihii ha’yadda NISA.

Waxaa kaloo liiska Koonfur Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

Halka ka akhri Xubnaha laga reebay liiska la shaaciyey ayaa kala ah sidan:-

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub ee la doortay inay soo doontaan ilaa labada bisha kaadhadhka aqoonsiga, waxaana lagu wadaa in la dhaariyo 14 bisha April ee 2022-ka.

Halkan hoose dhamaan ka akhriso waraaqaha liiska cusub ee caawa Guddida hirgalinta doorashada ku dhawaaqeen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Liiska Magacyada Baarlamaanka Cusub Ee Muqdisho &Fahad Yaasiin Oo La Raabsadey
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Liiska Magacyada Baarlamaanka Cusub Ee Muqdisho &Fahad Yaasiin Oo La Raabsadey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here