Ilaa Goorma ayaa Somaliland Bilaa wasiir Arrimo dibadeed ahaanaysa?

0
623

Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa su’aal galiyay sababta Somaliland u tahay bilaa wasiir arrimo dibadeed xilligan oo isbedello culus oo saamayn ku leh Somaliland ka socdaan gobolka Geeska Afrika.

Xoghayaha ayaa qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlay u dhignaa sidan:-

Mudane madaxwayne;
Maanta gobolka aynu ku noolahay iyo dunidaba waxaa ka socda isbeddelo waawayn oo siyaasi ah, saamayna inagu yeelan kara.

Sidaas awgeed, waxa aan is weydiinayaa illaa goorma ayaa ay Somaliland sii ahaan kartaa bilaa wasiir arrimo dibadeed?!!

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay in uu buuxinta wasiirka arrimaha dibadda la sugayo isku shaandhayn uu samaynayo laakiin, jagadaasi ayaa bannaan tan iyo markii Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon  xilkaasi banneeyay xilligii uu isu taagayay musharraxnimada Golaha Wakiillada oo uu hadda ka mid yahay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here