Ibraahim Hawd: Aqoonyahan Maxamed Cali Bile Wuxuu Af Buuxa ku yidhi..

0
2494
Mudane AQOONYAHAN Cali Bilen wax uu warbaahinta umadda horteeda afbuuxa ku yidhi, wax aan ka mid ahaa Isaaqii ka badbaaday xasuuqii Muqdisho 1989, markaa ka dibna 15 dal baan jaamacado ka ga soo baxay, oo Harvard baan PhD ka soo qaatay, oo bal haddana calaamada Ilaahay aniga ayaa iskuullada Hargeysa dhisay 1992 oo carruurta debedyaalka ah daryeelay, dadkana qof ii soo aqoon dhowi wuu jiri karaa laakiin qof i gaadhi karaa ma jiro, 70 dal baan ka soo shaqeeyay, laba boqol oo milyan oo Neyjeeriyaan ah baan xukumi jiray, diyaaradna waan ku shaqo tagi jiray. Ilaah baan ku dhaartay intaasba dadka hortooda ayuu warbaahinta afcad ku yidhi.
Dabadeed waxaas oo aqoon iyo maskax badnaan ah wax aan ku ogaaday, buu yidhi, Hargeysa mooyee in aanay dunida jirin dal kale oo ay wadaaddo si nabad ah u gu shiri karaan.
AQOONYAHANKA aqoontii baa ka badatay oo daandaamisay ee waxaas oo dhan ha loo gu cudurdaaro, oo yaan la wayddiin cilmiyada uu 15 jaamacadood ku soo bartay waxa ay yihiin iyo waxa uu ku qabto ama ku qabtay. AQOONYAHANKA cilmiga badan baa jiidhay oo dawakhiyay ee ha la yara xusuusiyo in meel kale daa ee Iswiidhan oo bilaa diin ah 20 sano Xagaa walba uu ka dhici jiray shirka u gu ballaadhan ee xagjirka Soomaalidu dunida oo dhan isaga yimaaddaan, juuqna aan loo odhan jirin. Hargeysana waxaa leh dad 100% muslin ah, haddii uu isagu diin kale matalayo.
Saaxiibkii Muuse-Qamuunyo oo ay is ku cilmi, is ku caqli iyo is ku dabeecad yihiin baa isaguna bulshada is la soo hortaagay hadal ah, iskuulka Abaarso aniga oo keligay ah baan tagay oo wax meelahaa yaalyaalla ku ma aan soo arag oo waa iskuul fiican.
Aqalka Moorgan dad marfuucal qalam ah baa isu gu tagay, xaqiiqdii. Haddii kale aqalkaasi cilmiga iyo caqliga dhex ceegaaga culayskooda ayuu la dumi doonaa.

Ibraahin Hawd: Coldoon Argagixisanimo ayuu qarka u saaran yahay!

Waxa Qoray Ibraahin Hawd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here